WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 04, 2014 (Saxafi) – Xus loogu dabaaldagayo sanad guuraddii 21-aad ee ka soo wareegtay Aasaaskiii ciidamadda Booliska Somaliland ayaa shalay lagu qabtay xarunta taliska guud ee magaaladda Hargeysa.

DSC_0220Munaasibadan waxa ka qaybgalay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Raxan wasiiro ah taliyeyaasha ciidamadda kala duwan, wefti ka socda Itoobiya iyo marti sharaf kale duwan, sidoo kale, waxa  lagu soo bandhigay Riwaayad iyo Heeso ka turjumaya Sida ay ciidanka Boolisku amaanka u sugaan.

DSC_0023

SomlegalAds

Hogaanka Hawl Galinta Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Ducaale  Cali ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii sanadkan ka dhacay dalka iyo sida ay u kala duwan yihiin, waxaanu yidhi“Mudane Madaxwayne Sanadkan 2014ka waxa danbi dalka ka dhacay (Sideed iyo toban kun Boqol iyo Sideed iyo Todobaatan danbi) inta beenawday waxa ay noqotay (Laba kun Sagaal Boqol iyo afar iyo Konton) inta heshiis laga gaadhay waxa ay noqotay(Sagaal Kun iyo Koob Iyo Afartan) inta baadhis ku jirtaa waxaa ay noqotay(Toban kun iyo Shan iyo labaatan) inta Maxkamada la hor geeyey waxa ay noqotay(Shan kun saddex boqol iyo sideed iyo konton) inta la xukumay(Laba kun iyo sided boqol) inta Xukun Suga ah waxa ay noqotay (Saddex kun laba boqol iyo sagaashan)”. Ayuu yidhi waxana uu intaas raaciyay, “Marka aynu eegno sanadkan wax dalka danbiyo ka dhacay iyo kii hore,sanadkii hore ee 2013-ka waxa dalka ka dhacay danbiyo (koob iyo labaatan kun,Laba boqol iyo sideed iyo todobaatan)halka ay sanadkan ka tahay (Sideed iyo Toban kun  Boqol iyo sideed iyo todobaatan) waxaana ay sanadkan hoos u dhacday Saddex kun iyo boqol”ayuu raaciyey taliyaha hawlgalintu.

DSC_0026

Taliyaha guud  ee Ciidanka booliska Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Mudane madaxwayne Iyada oo sanadkasta uu ciidanka boolisk wax u kordhayaan xaga ciidan iyo xaga gadiidba, mar kasta heegan buuxa ugu jiraan sidii ay U sugi lahayeen amaanka Dalka somaliland, Xaalada dalkuna waa dagan yahay, intaad xilka haysayna madaxwayne waxaanu soo kordhinay qalabka ka hortaga rab-shadaha oo ciidan u gaar ah u samayna oo markasta heegan buuxa ku jira”.

DSC_0157

Waxaanu intaas ku daray”Mudane Madaxwayne Sanadkan waxa dalka gadiid kusoo kordhay 27 gadiid ah, Waxaana sanadkan ciidan boolis ah laga aas-aasay Gobolka cusub ee Xaysimo,degmooyinka Xudun iyo Taleex kuwaas oo ay hada ka hawl galaan  ciidankaasi oo loo dhamaystiray xuquuqdoodii Ciidan,waxaana Dalka dibadiisa tababar ciidan kusoo qaatay 254 Xubnood oo ah saraakiil iyo sarakiil xigeen iyo 400 oo askari kuwaas oo iskugu jira alif-layaal iyo dablay”.

DSC_0178

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa isna u hambalyeeyey ciidanka iyo xaasaskoodda.

DSC_0017

DSC_0102

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.