WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 25, 2015 (Saxafi) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wefti uu horkacayey ayaa shalay Boorama kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey Aaska Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo shalay ku geeriyooday xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, aaska marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad), wasiirkii hore ee Shaqada Iyo Arrimaha Qoyska, ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, wasiirada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Qorsheynta, Sacad Cali Shire, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Maxamed Jaamac Abgaal, Xanaanada Xoolaha, Cumar Muxumed Faarax(Cumar Yare), Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Faarax Cilmi Geedeelo, Xidhiidhka Goleyaasha, Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muj Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenkiisa Muj. Maxamed Kaahin, Agaasimayaal Guud, Salaadiin, Aqoonyahanno, boqolaal ka mid ah dadweynaha Boorama iyo degaanno ka baxsanba, Culimaa’uddiin iyo masuulyiinta maamulka gobolka iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamaan.

Munaasibaddan Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Garaad ayaa lagaga hadlay taariikh nololeedkiisii iyo doorkii uu ku lahaa dhismaha dawladnimada Somaliland ilaa wakhtigii lagaga dhawaaqay magaalada Burco 1991kii. Guud ahaan shakhsiyaadkii, masuulyiintii, culimaa’udiinkii, iyo dadweynihii ka soo qaybgalay aaska marxuum Garaad ayaa dhamaantood ugu duceeyey marxuumka in Ilaahay jannadii ka waraabiyo eheledii, qaraabadii iyo Somalilandna uu ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo. aamiin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.