WorldRemitAds
Abaalmarin La Siinayo Ragga Guursada Haweenka Carmalka – Sida meelo badan oo dunida ah ka dhacda, Carmal-nimadu waxay ku noqotaa haweenka mid noloshooda soo gaba gabaysa oo sababta in dib loo guursan waayo, sidoo kale haween badan oo ragoodu ka dhinteen ayaa geerida ninkooda ka dib ka baxa gabi ahaanba qiimaha nolosha, oo noqda kuwo quus ka taagan in mar kale ay heli karaan xaalad farxadeed iyo lamaane ay nolosha la wadaagaan.

Waxa kale oo mararka qaarkood dhacda in jacayl badan oo ay u qabtay ninkeedi hore sababo in aanay helinba qof ay u malayso inuu u qalmo ama buuxin karo kaalintiisi.
CashPrizes_articleDalalka aanay dadkoodu diin aaminsanayna loomaba dhawaado carmalka, Akhriste sida aynu wada og-nahay diinteena Islaamku guursashada Haweenka waxay siisay ahmiyad gaar ah, waxaana sida ku cad naska diinta, ninka guursada gabadh Carmal ah uu Illaahay agtiisa ku leeyahay ajar iyo xasanaad.
Haddaba waxa dalka Malaysia dhawaan laga bilaabay olole lagu doonayo in haween badan oo ragoodi ka dhintay lagu guursado, kaas oo raga guurkan ku kaca lagu siinayo abaal marin lacageed oo aad u sareeya, Haweenayda ugu saraysa xafiiska dhaqanka, qoyska iyo arrimaha bulshada ee dalka Malaysia Wang Cabdoo Cumar ayaa sheegtay in ninkii gabadh carmal ah guursada la siin doono abaal marin lacageed oo dhan kumayaal dollar.
Dawlada dalkaas ayaa talaabadan u qaaday sidii loo dhimi lahaa kharashka badan ee xukuumadda Malayshiya ku bixiso daryeelka dumarka carmalka ah oo lagu qiyaasay 571413-milyan oo dollarka maraykanka ah, sanad walba. Haweenaydani waxa ay lacagtii ugu horaysay ee abaal-marinta ahayd gudoonsiisay mudane ka tirsan baarlamaanka dalkaas oo xaaskiisi afraad ka dhigay gabadh carmal ah.
Waxaanay sheegtay in ninkasta oo guursada la siin doono abaal-marintan xitaa haddii uu xaaska afraad, sadexaad, labaad ama koowaad mid kasta ha ka dhigtee.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.