WorldRemitAds

Jariirada afka dawlada ku hadasha ee (Rodong Sinmun), ayaa sabtidii baahisay saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo qof oo isku diiwaan geliyay inay ka qayb galaan dagaal, dalkoodu la galo waddanka Maraykanka, kaas oo uu hogaamiyaha dalkaasi dhawaan ku dhawaaqay.

Malaayiintan qof ayay jariiradu ku tilmaantay xoogsatada iyo guulwadayaasha dalka inay ka kooban yihiin, kuwaas oo sida ay tilmaantay warbaahinta dawlada ee dalka Kuuriyada Waqooyi, wacad ku maray inay naf iyo maalba ku tabaruci doonaan, isna garab taagi doonaan ciidamada dalkooda haddii waddankoodu dagaal foolka fool ah la galo Maraykanka iyo waxa ay ugu yeedheen daba dhilifkiisa oo looga jeedo waddamada Kuuriyada Koonfureed iyo Jabaan.

Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in dalkiisu duqayn doono jasiirada Maraykanku leeyahay ee Guam oo ku taala badhtamaha badweynta Baasifiga, taas oo abuurtay walaac ku saabsan in dagaal hubka sida daran wax u gumaada ee Nukliyeerka lagu dagaalama ka qarxi karo dunida.

SomlegalAds

Mar kasta oo saan saan colaadeed laga dareemo jasiirada Kuuriya ayay warbaahinta dawladu maamuusho ee dalka Kuuriyada waqooyi baahisa, bayaano ay soo saaraan xoogsatada, guul wadayaasha iyo iskaashatooyinka taagera xisbiga Shuuciga ah ee dalkaas, kuwaas oo sheega inay malaayiin qof oo tabaruc ahaan ugu biiraya ciidamada isu diiwaan geliyeen oo ay ka saxeexeen.

Hanjabaada Kuuriyada waqooyi ee duqaynta Jasiirada Guam iyo meelo kale oo dunida ah ayaa cabsi wayn ka abuurtay dunida, sababtoo ah waxa ay ku soo beegmaysa wakhti sagaashan waddan oo dunida ah laga xusay, duqayntii Nukliyeerka ee Maraykanku ku dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee dalka Jabaan oo 72-Guuradii ka soo wareegtay si wada jir ah dunidu ula xustay dadka reer Jaaban.

Taas oo qaramada midoobay abaabuushay, loogana dan lahaa in lagu muujiyo in fariin midaysan dunidu ay ka bixinayso, isticmaalka hubka si ba’an wax u gumaada ee Nukliyeerka, kaas oo ilaa dhawr iyo toban waddan ay haystaan, ku dhawaad boqol jeer ka awood iyo tiro badan intii dagaalkii labaad ee dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.