WorldRemitAds
Aktarka jilaaga wayn ee reer Faransiis, Gérard Depardieu, ayaa jimcihii hore ee aynu soo dhaafnay, magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka ka cadeeyay inuu diinta Islaamka qaatay oo uu muslimay, shanta salaadoodna uu tukado, raaxo iyo wanaag badana ka dareemay, qalibigiisuna ku xasilay.

Gérard Depardieu, oo markii reer Galbeedka iyo Ruushku isku dhaceen isagu u guuray caasimadda Ruushka ee Moscow, dhalashada dalka Ruushkana qaatay, ayaa sheegay in diinta Islaamku tahay mid wanaagsan oo qalbiga xaadha, raaxo iyo deganaan badana uu ka helay.
560-6Ninkan ayaa sheegay in qaadashadiisa diinta islaamka ay sabab u ahayd fanaanadii Kawkabu Sharq, ama dunida bariga lagu naanaysi jiray ee Umu Kaltuum, taas oo sida uu xusay uu sanadkii 1967-kii, ku daawaday garoonka ciyaaraha Olympic-ga ee magaalada Paris mar ay bandhig faneed ku qabatay.
Codkeeda iyo midhihii aadka u wacnaa ee ay ku heesaysay, gabadhaasi ayaa I geliyay inaan baadho luuqada carabiga iyo diinta Islaamka, ayuu yidhi, waxaanay taasi baadhitaan dheer oo nus qarni aan waday ka dib ii sababtay inaan muslimo oo aan diinta Islaamka qaato ayuu yidhi, Mr. Gérard Depardieu.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters Gérard Depardieu, oo jimcihii ka hadlay badhiga buugaagta Moscow ee “Innocent”, waxa uu sheegay inuu muddadii koobnayd ee uu Muslimka ahaa ku tukan jiray, jaamacada Paris iyo meelo kala duwan oo taariikhi ah, deganaan iyo qalbi wanaag waxaan ahayna aanu ka qaadin.
Jilaagan reer Faransiis ayaa sheegay inuu isagu xaqa iyo runta waligiiba taageero, taas oo barashada iyo fahamkiisa diinta Islaamku inta badan sabab u tahay oo uu casharo wanaaga iyo dhaqanka fiican ah uu ka bartay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.