WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, November 23, 2015, (Saxafi) – Kooxda Al-Shabaab ayaa la wariyay inay laysay rag hore uga mid ahaa oo taageeray kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.

Waraka laga hellayo dadka deegaanka koonfurta Soomaaliya iyo ilo kale ayaa xaqiijinaya in weerar gaadmo ah oo maleeshiyadda ururka Al-Shabab ay ka gaysteen duleedka tuulada Guduudey lagu dilay afar qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo hore  uga mid ahaa saraakiisha ururka Al-Shabab.

ShabaabSheekh Xuseen Cabdi Geedi iyo xubnaha kale ayaa la sheegay inay taageereen ururka Daacish ciidamana ay urursanayeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in Sheekh Xuseen uu ahaa hoggaamiyaha maleeshiyada ka baxday Al-Shabab ee taageerada u fidisay Daacish.

SomlegalAds

Hore waxa uu ninkaasi u soo noqday Ku Xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Dhexe ee ururka Al-Shabab. Sidoo kale waxa uu Al-Shabab uga soo shaqeeyey magaalada Kismaayo.

Faahfaahin badan lagama hayo afarta qof ee kale ee lala dilay Sheekh Xuseen Cabdi Geedi.

Sidoo kale, todobaadkii hore rabshado iyo dagaal arrintan ku saabsan ayaa dhex maray Al-Shabaab, ta kale wadaadka kooxdan uga wakiilka ah buuraha Galgala ee dhinaca Puntland ayaa sheegay inay taageerayaan Daacish. Waxana ay u muuqataa in arrintani kala qaybisay  kooxdan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.