WorldRemitAds

Mogadishu, Somalia, June 26, 2017 (Saxafi) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia, ayaa markii ugu horeysay faafisay Muqaalka hoggamiyahoogii Axmed Cabdi Godane “Mukhtaar Abu Zubeyr”,

https://youtu.be/BFtznTMYGtI

kaas oo bishii September ee sannadkii 2014 ay dawladda Maraykanku sheegtay inay ku dishay weerar cirka ah ku dishay, kadib markii diyaaradaheedu weerareen goob waxyar u jirta duleedka Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ee dalka Somalia.

SomlegalAds

Muqaalkan oo ah mid fiidyow ah, baahisayna waaxda warbaahinta u xilsaaran Al-Shabaab ee la yidhaahdo Al-Kataib, ayaa ah dhokumentari lagaga waramay taariikhdii hoggaamiyihii Al-Shabaab iyo doorkiisii suuggaaneed, waxaanu soconayaa muddo ay saacad iyo afar iyo labaatan daqiiqadood.

Filimka oo loogu magacdaray Masiirka Sugnaanta ayaa laga hadlayaa halgankii iyo taariikhdii Mukhtaar Abuu Zubeyr, taas oo noqonaysa markii ugu horreysay ee la muujiyo wejiga Axmed Cabdi Godane Hoggaamiyihii hore ee Al Shabaab.

Halkan Riix Si Aad u soo rogoto Muuqaalka Filimka Al-Shabaab ku soo bandhigtay Taariikhda Hoggaamiyahoodii Abu Zubeyr

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.