WorldRemitAds

Hotelka Waxa Deganaa Masuuliyiin Tiro Badan Oo Dawladda Soomaaliya Ka Tirsan

Muqdisho, Soomaaliya, November 2, 2015 (Saxafi) – Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Hoteel Saxafi ee Muqdisho ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay ay tiradoodu gaadhayso ugu yaraan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

masuuliyiintii ku geeriyooday hoteelka SaxafiDadka ku dhintay weerarkaan waxaa ku jira mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan, kuwaas oo uu ku jiro xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka tirsan baarlamaanka, abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan], milkiilihii Hotel Saxafi, Cabdirashiid Shire Il-qabte, Mustafe Cabdi oo ahaa wariye la shaqeynayay telefishinka Al-jazeera.

“Al-shabaab waxay saakay salaaddii subax (shalay) kaddib weerareen hotel Saxafi, runtii waxaan idiin xaqiijin karaa inay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, xubno ganacsato iyo dad kale oo rayid ah ay ku dhinteen halkaas. Waxaa sidoo kale ay ciidamada ammaanku dileen xubnihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday,” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo warbaahinta la hadlay.

SomlegalAds

Wasiirka oo la weydiiyay xubnaha dowladda ee weerarkaas ku dhintay, ayaan ka bixin wax jawaab ah, balse wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay ka dhawaan ka hadlin doonaan tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarka Hotel Saxafi.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Somalia ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 15-qof oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, ayna ciidamada dowladda Somalia ku guuleysteen inay soo af-jaraan weerarka.

Sidoo kale, Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay dhaawacyo badan oo ka dhashay weerarkii Hoetelka Saxafi, waxaana dhaawacyada ka mid ahaa, taliye ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabo, Jen. Gacma-duulle iyo wariye Reuters ka tirsan oo lagu magacaabo, Faysal Cumar.

Dhanka kale, inkastoo wakaaladaha caalamiga ah qaarkood ay baahiyeen in xubnihii ay ka soo gaadheen dhaawacyada weerarkan uu ku jiray danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya, Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan, ayaa haddana waxa warkan beenisay xaaskiisa, iyadoo sheegtay in danjiruhu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Keny.

Weerarkaan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa burbur aad u culus uu kasoo gaadhay dhismaha hoteelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee badhtamaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Somalia ayaa waxay ku guuleysteen inay badbaadiyeen xubno uu ka mid ahaa; Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, xildhibaanno ka tirsan dowaldda Soomaaliya iyo sidoo kale wasiirro hore oo hoteelka deggenaa.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa ka dambeeyey, iyadoo dhawaan ay diyaaraddi kusoo dhacday gobolka Shabeellada Hoose la sheegay in shaqaalihii la socday ay si toos ah gacanta ku dhigtay Al-shabaab, inkastoo aanay weli kooxdu ka hadlin arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somalia ayaa sheegtay in xoogaggii Al-shabaab ee Hotel Saxafi weeraray ay tiradooda ku sheegtay illaa lix qof, kuwaasoo qaarkood gudaha u galay hoteelka muddo saacado ahna ka dagaalamayay, laakiinse ay dowladdu sheegtay in la dilay dhammaantood.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.