WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, February 27, 2012 (Saxafi) – Al-shabaab oo dhawaan ku biiray Al-Qaacida ayaa wacad ku maray in dagaalka aanay joojinayn ilaa ay hadafkooda gaadhayaan oo dalka qabsanayaan ama laga laynayo.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay idaacadda ku hadasha afka Al-shabaab ee Andulus ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay dagaalamaan inta ay go’aankooda ka gaadhayaan.

Sheekh  Cali Dheere ayaa sheegay ilaa inta ay ka dhimanayaan ay wadayaan dagaalka, ama ay cashuur ka qaadayaan dadka aan haysan diinta islaamka, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Inaan dhimanno iyo inaan idinka adkaano mooyeen gaalooy wax kale nagama sugeysaan, Haddii aad doonaysaan inaad nabadgashaan waa inaad islaamtaan ama aad lacag bixisaan.”

SomlegalAds

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in qorshahoodu yahay inay ku baahiyaan dagaalladooda inta u dhexeysa min Raas-caseyr illaa Raas-kambooni, isagoo ku macneeyay hadafkii ay ku midoobeen Al-shabaab, Al-Qaacida iyo kooxda buuraleyda Galgala oo aan ahayn mid dhaqaale doon ah, balse uu yahay mid ay ku xoojinayaa cududda Islaamka.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Alshabaab waxa uu intaas ku daray in midowga ay la midoobeen ururweynaha Al- Qaacidda uu yahay mid fursad weyn u leh hadafkooda  “Haddii aad mooddeen gaalooy inaan idinka baqyno… waxaan idiin sheegaynaa in aanan idinka baqayn, waana iska kiin celinaynaa, wixii dunuub ah ah ee aan galnayna Alle ayaan dambi-dhaaf ka weydiisanaynaa,”

Dhanka kale, afhayeenku wuxuu ka hadlay shirkii lagu soo gabgabeeyay London, kaasoo looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya, balse isagu wuxuu ku sheegay inuu la mid yahay shirkii 1884-kii lagu qaybsaday Soomaaliya,  “Shacabka Soomaaliyeed waa inay gacan ka geysataan sidii looga hortegi lahaa qodobbadii kasoo baxay shirkii London, sidoo kalena ay qayb ka qaataan dagaallada socda,” ayuu afhayeenka Al-shabaab yidhi.

Xarakada Al-shabaab hadda ku jirtay qirin qiir ka dib markii dhul badan oo muhiim u ah Alshabaab laga qaaday, isla markaana ay iskaga baxeen.

Error: Contact form not found.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.