WorldRemitAds

Kabcada Barakaysan ee Xaramku oo ah dhismaha ugu qiimaha badan adduunka oo dhan, iimaan ahaana dadka Islaamku u rumaysan yihiin, ayaa haddana marka loo eego qalab ahaan waxa ay ka mid tahay, meelaha naqshad ahaan iyo qurux ahaan, wax la mid ah oo u dhigmaa aanay ka jirin dunida.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Sida aanu hore qormooyin kala duwan oo aanu wargeyska Saxafi ku baahinay aanu kaga waranay, Kabcada ayaa leh, hagoog warshad u gaar ah kaligeed samayso, taas oo tolisteeda iyo qurxinteedu sanadka oo dhan socoto ama haddii si kale loo dhigo aynu odhan karno sanad dhan ayaa laga shaqeeyaa.

Waxa kale oo kabcadu ay leedahay udugyo u gaar ah oo kaligeed lagu shido, halka waxyaabaha lagu maydho iyo kuwo lagu aslo dhamaantood ay ka yihiin, kuwo iyada oo qudha u gaar ah oo aan meel kale lagu isticmaalin.

Albaabka wayn ee gudaha kabcada laga galo, ayaa ah ka ugu wayn wax dahab ka samaysan oo dunida guudkeeda yaala, kaas oo sida la sheegay ka samaysan dahab saafi ah oo sadex boqol oo kilo ah.

Sanadkii 1398 kii Hijriga ayuu Boqorkii dalka Sucuudiga Amiir Khalid Bin Cabdi Casiis Aala Sucuud, uu khubarada Dhismaha ee dunida Islaamka ka codsaday, in ay keenaan nashqad cusub oo albaabka kabcada loo samaynayo, si looga badalo albaabyadii wakhtigaas ku samaysnaan jirtay oo sanad walba in la badalo u baahan jiray.

Albaabka cusub ee boqorku naadiyay in loo sameeyo kabcada ayaa shardi looga dhigay, in dherar, baladh iyo dhumuc ahaanba uu leekaado kii ku samaysnaa ee badalaada lagu samaynayay, oo qurux iyo farsamo ahaana u waafaqsan nidaamka Islaamiga ah.

Muddo sadex bilood oo tashi badan ay samaynayeen ka dib waxa ay injineeradii Muslimiinta ahaa, soo hordhigeen nashqad cusub oo aad tayadeedu u sarayso oo ay door bideen in loo badalo albaabka kabcada.

Boqor Khalif ayaa qalinka ku duugay, waxaana samayntiisu qaadatay muddo sadex bilood ah, waxa lagu xardhay Aayadihii Qur’aanka kariimka ahaa ee albaabkii laga badalayay ku xardhanaa, waxa dahab laga dhigay qaybaha ugu badan ee Albaabkan, halka inta kalana laga farsameeyay macdano kala duwan oo aad u tayo badan.

Qaybaha sare ee albaabkan ayaa loo sameeyay sida qaansada oo kale, waxaana halka ugu saraysa lagu xardhay Magaca Alle ee (Jala Jalaaluh), ka dibna waxa lagu hoos dhigay magaca Nebigeeni Maxamed (NNKHA).

Qayb kasta oo ka mid ah albaabkan waxa loo nashqadeeyay qaab qurux badan oo wax la mid ahi aanu dunida jirin, ka dibna dahab lagu dahaadhay, waxaanu noqday sida jariirada Cukad ee dalka Sucuudiga ka soo baxdaa ku warantay uu noqday shayga dahab ka samaysan ee ugu wayn dunida.

Albaabkan ayaa ka samaysan sadex boqol oo kilo oo dahab saafi ah, waxaanu haddii lacag loo badalo noqonayaa sadex iyo toban milyan oo Riyaalka Sucuudiga ah, taas oo u dhiganta ilaa sadex milyan iyo badh dollarka Maraykanka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.