WorldRemitAds

Haweenayda raysal wasaaraha ka ah dalka Jarmalka ayaa July 1, 2017, xiisad dhamaystiran u gashay arday wax ka barata dugsi ku yaala caasimadda dalkaas ee Berlin, taas oo ku soo beeganay wakhti ay raysal wasaaruhu isu diyaarinaysay aaska Raysal Wasaarihii dalkaas Mideeyay Helmut Kohl oo bishan July horraanteedii lagu aasay dalkaas.

Talaabadan ay qaaday Merkel iyo hawshan culus ee aanay diyaarka u ahayn ayaa la xidhiidha sidii ay ugu dhawaan lahayd, shacabka isla markaana u kasban lahayd taageerada cod bixiyayaasha, sida la sheegay waxa ay maalin dhan haweenayda Jarmalka Raysal wasaaraha u ah, ay bixinaysay xiisad la xidhiidha taariikhda dalkaas qaybaha ugu muhiimsan.

Macalimad sharafeedan ardayda badankoodu ku yaqaaneen fagaarayaasha siyaasada, mararka ay ugu dhow dahay ama ay codkeeda maqlaana ahayd wakhtiyada ay shirarka jaraa’id iyo kulamada madaxda ay la qaadato ka soo muuqato, ayaa bixisay xiisad ay kaga hadlayso dhismihii gidaarkii caanka ahaa ee kala qaybin jiray, magaalada Berlin, kaas oo taariikh ahaan ku beegnaa laba iyo konton sanadood ka hor.

SomlegalAds

Angela Merkel oo ku labisan shaadh midab cagaar ah iyo surwaal cadaan ah, ayaa soo hor istaagtay arday ka qayb galaysay xiisadaa taariikhiga ah, waxaanay uga warantay taariikho tiro badan oo ay isku soo min guurisay oo la xidhiidha, gumaysigii iyo dhibaatadii soo martay dadka Jarmalka gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Berlin ee gidaarkaasi kala qaybiyay.

Macalimad Angela Merkel oo xiisadeeda ka bixisay dugsi ku yaala xaafada Brenzlaorberg ee magaalada Berlin, waxaanay ardayda u sheegtay in sanadkii 1962-kii ay fasal ka mid ah waxbarashadeedi ku qaadatay dugsigan oo wakhtigaas ahaa mid aad u kooban oo aan qalab wax barasho oo fiican lahayn wax walbana cidhiidhi ku ahaayeen.

Sida ay sheekadeeda ku bilowday wax barashadeeda waxa ay xooga ku saari jirtay, barashada luuqadaha kala duwan, ilaa heer ay gaadhay in ay isku mar ku wada hadasho, afafka Ruushka, Ingiriisiga iyo afkeeda hooyo ee Jarmalka.

Merkel ayaa hawl qabadkeeda macalinimo ee ay ku tabarucday ku soo gaba gabaysay is barasho si toos ah ay arday walba ula samaysay iyo sawiro xusuuseed mid mid iyo wada jirba ay ula gashay ardaydaas, waxaanay mar danbe jawaab bogeeda Twitter-kaga kaga bixisay, waydiimo ay dadka qaarkood ka keeneen hawl qabadkeeda tabaruca ah, waxaanay sheegtay in ardaydu dhamaan Jarmal ahaayeen, balse aanay iyadu u kala qaadayn bari ama galbeed ka ay ka soo jeedaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.