WorldRemitAds

Waxyaabaha adduunka ka dhacayaa ma ahan madow iyo caddaan keliya. Ma ahan muslin iyo kiristaan keliya. Ma ahan annaga iyo iyaga keliya. Wax kastaa ma ahan khalad iyo sax keliya.

Caalamka waxa ka dhacayana ma aha kuwo la is wada barbardhigi karo. Marxaladaha, xaaladaha, jilayaasha iyo sababta la isu hayo ayaa kala duwan.

Yuusuf Garaad CumarMarka aan ka reebo Soomaaliya oo aan u soo joogay xadgudubyo aad u culus oo murugo igu reebay, caalamka kale oo aan aad ugu safray meelaha aan booqday waxaa iigu calool xuma badnaa saddex goobood. Saddexda oo aan xadgudubyada ka dhacay aanay isku baaxad ahayn, waxa keliya oo ay wadaagaan waa in dad rayid ah lagu dilay ama bahdil iyo gumaad la isugu daray.

SomlegalAds

Ghana


Waxay ahayd magaalada Cape Coast ee dalka Ghana oo 150 km galbeed ka xigta caasimadda Accra. Horena u ahaan jirtay caasimadda Ghana. Waxay ku taal Badweynta Atlaantigga. Waxaan tegey 1998 meel dadka madow markii la addoonsan jiray lagu ururin jiray iyaga oo qool bir ah oo sida silsilad u taxan uu midba meel qoorta kula jiro. slave-trade-3-1Kuna qabbiran dabar bir ah haddana is wada haysta. Waxaa halkaa lagu hayn jiray intii ay sugayeen maraakiib loogu dhoofiyo qaaradda Ameerika si beero loogu fasho loona lahaado. Maaddaama ay isku wada xidhan yihiin oo aan kaadida iyo qashinka kale la fogeyn karin qof waliba meeshiisa ayuu ku kaadinayaa markaas ayaa loo sameeyay jeex yar oo sida durdur ah oo dhammaantood soo dhex mara inta aanuu badda ku darin kaadida.

Dadkaas waxaa laga dhigtay hanti qof leeyahay, oo uu iibin karo, xaq aan u lahayn in ay guursadaan, markhaatina aan gelin. Inkasta oo aan tirakoob sugan laga hayn, haddana Afrikaanka qaaraddeenna laga dhoofiyay ee la geeyay Ameerika si loo addoonsado waxaa lagu qiyaasaa celcelis ahaan 10 milyan oo ruux.

Aakhirkii William Wilberforce ayuu ahaa Xildhibaankii dhowr iyo toban sano waday olole uu doonayo in lagu mamnuuco addoonsiga dadka. Inkasta oo Baarlamaanka Ingiriiska lagu jebiyay, haddana kamuu hadhin wuxuuna 25-kii March 1807 ku guuleystay in gebi ahaanba dhulalka Ingiriisku gumeysto oo markaas uu Mareykanku ka mid ahaa laga mamnuuco addoonsiga. Wilberforce madow ma ahayn, muslinna ma ahayn. Isaga waxaa waday dareen aadminnimo oo cuskan diin Kiristaan.

Rwanda

Rwanda-genocide-memorial-story-body lafa dadGoobta labaad waxay ahayd Rwanda oo aan socdaal ku tegey 1995 sannad gudihiis markii uu Gumaad ka dhacay. Rwanda waxaa lagu dilay qiyaastii 800, 000 oo ruux 100 maalmood gudahood.

Xafiisyada qaar aan booqday waxaa ka soo urayay dhiig dad. Waddooyinkana waxaa lagu iibinayay kabaha iyo dharka dadkii la dilay. Dadkii aan la macaamilay ee aan wax ka iibsaday ama iigu adeegayay dayaaradda, hoteelka, makhaayadaha iyo tagaasida ma arag mid ii dhoolla caddeeyay ama cid kale u dhoolla caddeynaya. Qosol warkiiba daa. Dhulka aniga oo ku safraya waxaan gaadhay ilaa soohdinta dalka Jamhuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo.

Kaniisadaha Rwanda waxaa lagu eedeeyay in ay gumaadka sababtiisa ay ku lug lahaayeen. Waxaana dad badan lagu dilay Kaniisado dhexdood ama agtood.

Kigali intii aan joogay waxaan booqday Masjidka magaalada ugu weyn. Masjidkaasi wuxuu caan ku ahaa in dadka wax leynayay oo ahaa Hutu xagjir ah iyo muslimiinta Hutu ah ay isku dagaaleen ka dib markii xagjirku uu soo weeraray muslimiin Tutsi ah iyo qaar aan Muslim ahaynba oo Masjidka soo magan galay. Muslimiintu waxay dagaal u galeen in ay daafacaan dadka u maganta ah. Waxay doorbideen in ay dilaan kuwa qowmiyaddooda ah ee gardarrada wada si ay u badbaadiyaan dad qowmiyad kale ah.

Berigaas aan tegey Rwanda bil kasta dad badan ayaa Ashahaadada qirayay oo muslimayay. Taasna dad layn kuma imaan ee waxay ku timid dad badbaadin. Waxaa dadka soo jiitay badbaadinta ay muslimiintu badbaadiyeen dad la xasuuqi lahaa.

Safarkeygii koowaad 10 sano ka dib, waa sannadkii 2004 ayaan ku laabtay Rwanda. Waxaan tegey runtii dal aad u soo kabtay xag amni, dhaqaale iyo horumar.

Mareykanka


New York, goobta loo bixiyay Garound Zero ayaan tegey 2002. Sidoo kale waxay ahayd sannad gudihiis markii laba daarood oo midkiiba 100 dabaq kor u dhaafay oo ah xafiisyo ay dadkii ku jiray la soo dumeen kuna habsadeen dadkii hoos ama aaga joogay ka dib markii laba dayaaradood oo rakaab ah oo ay ka buuxaan dad isugu jira carruur, waayeel, dumar iyo ragba iyo dad diinteey doonaan haysta middiiba mid lagu qarxiyay sidii gantaal.

9-11-pictures-2In ka badan 2, 600 oo ruux ayaa ku geeryooday buqcad yar oo ah halkii ay daaruhu ka dhisnaayeen. God ka qodmay ayaan soo kor istaagay.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii halkaa ku geeriyooday ehelkooda ayaa goobta keenay kab, shaadh, koofiyad, jaakad, surwaal, boorso ama shey kale oo uu lahaa qofka dhintay. Waxay markaa ku dhejiyeen meel uun ka mid ah derbiyada aaggaas ah. Waxaa kale oo lagu dhejiyay sawirrada dadka dhintay qaarkood iyo qaarkood iyaga oo la jooga carruurtooda, waalidkood ama qof ay is qabeen. Waxaa kale oo derbiyadaa lagu dhejiyay farriimo ay ehelku ku murugo baxayaan ayaga oo u qoraya qofka ka dhintay. Waa lagu jecel yahay, Kuma Illoobi doono iyo Mahadsanid ayaa ka mid ahaa erayada. Dad badan oo goobta taagan murugo ayaa wejiyadooda ka muuqatay. Qaarkood cadho ayaa u wehlisay.

Saddexdaas goobood midkoodna midab iyo diin uguma murugoon ee waxaan ugu muragooday aadamnimo.

Dunida Muslimka

Haddii aan dunida muslimka u soo laabto, Muslimiin badan oo adduunka ah waxaa lagu hayaa xadgudubyo aan la soo koobi karin oo dil, dhac, barakicin iyo bahdil kale isugu jira. Qaar waxaa ku haya dowlado aanay isku diin ahayn sida Israel weerarrada iyo bahdilka ay ku hayso Falastiiniyiinta.

Muslimiinta qaar dhibka ugu badan wuxuu uga yimaadaa muslimiin kale. Ha noqdeen Madax keli talisnimo iyo naxariis la’aan isku darsaday. Ama ha noqdeen mucaarad hubeysan amaba kooxo xagjir ah oo inta badan dadka ay dilaan ay yihiin muslimiin kale.

Muslimiintaas qaar badan oo ka mid ahi waxay u qaxaan waddammada reer galbeedka maaddaama aan dalal kale oo muslimiin ah oo qaarkood uu qani yahay aanay soo dhoweyn qaxootiga.
Tusaale waxaa kuugu filan Suuriya oo ku taal bilaad Shaam, Bariga Dhexe ah, dalal Islaam ahi ay ku hareereysan yihiin, qaar ay carab yihiin. Qaxootiga Suuriya waxaa deggenaasho laga siinayaa Yurub, Mareykan ilaa Canada. Inkasta oo dalalka deriska la ah qaarkood uu aqbalay Qaxootiga Suuriya, haddana dalalka Khaliijka adigu is weydii.

Faransiiska

Weerarka ka dhacay France ma aha kii adduunka ugu horreeya ee noociisa ah. Mana aha kii ugu darnaa. Laakiin waa mid lagu laayay dad badan oo rayid ah. Waa mid dhib u abuuri kara muslimiinta ugu badan Yurubta galbeed oo ah kuwa ku nool Farnsiiska. Waa mid dhib badan oo shaki iyo cadaawad leh u abuuraya muslimiinta Galbeedka ku nool oo dhan iyo weliba kuwa u taga socdaal caafimaad, qaraabo salaan ama waxbarasho iwm. Waa mid dadka aan Islaamka aqoon fahamsiin kara khalad ah in diinta Islaamku ay raalli ka tahay in rayid dariiq iskamaraya la laayo. Sidaas darteedna ay tahay in muslim oo dhan cadow loo arko ugu yaraan la iska jiro haddii kalena la iska dhiciyo oo lagala hormaro.

Dareen aadminnimo ka sokow in Muslimiintu ay weerarkaas cambaareyso waa mid keeni karta in dadka Faransiiska iyo caalamka kale ee aan muslimka ahayni ay fahmaan in aan diinta Islaamku ahayn diin arga-gixiso. Sidaa darteedna aan muslimiintu isku waafaqsanayn kana sinneyn weerar argagixiso.

Muslimiinta cambaareysay weerarka Paris waxaa ka mid ah Muftiga al Azhar, Dowladda Dalka adduunka ugu muslimka badan Indonesia, Dowladaha Soomaaliya, Iran, Sucuudiga, Qatar iyo dowlado kale oo badan oo Muslim ah.

Taas macnaheedu ma aha Dowladda Faransiisku xad gudub weligeed kuma sameyn dad ama dowlad Muslim ah. Taas macnaheedu ma ahan weerarka Paris ka dhacay in uu ka mudan yahay kuwa sida joogtada ah uga dhaca magaalooyinka Falastiin iyo goobaha kale ee muslimiintu ay ku caddiban yihiin.

Waxaa habboon in la cambaareeyo ama ugu yaraan laga murugoodo weerar kasta oo dad rayid ah oo aan Maxkamad caaddil ihi xukumin lagu dilo. Mana habboona in marka dad ehelkoodii la laayay ay murugoonayaan lagu mashquulo dood aan aad loogu meel dayin oo u muuqan karta in raalli laga yahay in dad rayid ah oo dariiq iska maraya la laayo. Haddii dalal kale iyo goobo kale ay sidaasi ka dhacdo waa in iyagana la cambaareeyaa marka ay dhacdo.

Annaga Soomaali ahaan Faransiisku wax badan nama tarin waa la dhihi karaa. Laakiin ugu yaraan xusuuso berigii Koofurta dalkeenna siiba Baay gaajada loogu dhimanayay 1992. Faransiisku wuxuu sameeyay tallaabo kolley aniga i damaqday. Iskuullada Faransiiska ayaa loo sheegay in carruur iyaga oo kale ahi ay baahi u dhimanayaan. Waxaa markaa laga codsaday in arday waliba uu baris ceydhiin ah uu iskuulka keeno. Ka dibna inta la isu geeyay ayaa 9, 000 oo tan oo bariis ah loo dhoofiyay Soomaaliya. Xamaaliintii bariiska Faransiisku soo dhiibay ka dejiyay dekedda macmalka ah ee Ceel Macaan ee dhabarka ku soo qaaday biyahana kula soo lugeeyay waxaa ka mid ahaa Wasiir Faransiis ah Bernard Kouchner.
Markii dagaalkii Muqdisho ee January 1991 uu aad u qadhaadhaaday hey’adaha samafalka oo dhan wey ka baxeen caasimadda iyo koofurta oo dhan marka laga reebo MSF.

Ciraaq

o-war-protest-570 London IraqTusaale ahaan weerarrada ka dhanka ah waddan ay dadkiisu muslim u badan yihiin oo si gardarro ah loogu duulay waxaa waayadan dambe ugu caansan weerarkii horraantii sagaashanaadkii lagu qaaday Ciraaq. Waxaa hormuud ka ahaa weerarkaas labada Dowladood ee Mareykanka iyo Britain.

Dowladda sida ugu adag isu hortaagtay, ku hanjabtay in ay diidmada qayaxan ee Veto ay saari doonto marka la keeno Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ilaa xadna carqaladeysay qorshaha weerarka waxay ahayd Dowladda Faransiiska.

Dhanka kale, magaalada London oo ka mid ahayd caasimadaha lagaga duulay Ciraaq, waxaa haddana ka dhacayay bannaanbaxyadii ugu waaweynaa ee dagaalkaas lagaga soo horjeeday. Waxaa kale oo London ay aragtay is casilaado heerar kala duwan ah dagaalka awgii. Dadka waxaa sameynayay muslim ma wada ahayn xataa badhkood ma ahayn. Dad ayaa u bannaanbaxay, u dhafray, shaqooyinkoodii uga tagey si aan Ciraaq loo weerarin. Dadkaas qaar badan oo ka mid ahi waxay hadda weli u daba taagan yihiin Ra’iisal Wasaarihii berigaas Tony Blair in dembi dagaal lagu soo oogo.

Sax ma tahay in dadkaas loo dilo in Dowladdoodu ay dagaalkii Ciraaq, oo ay ayaguba diiddanaayeen, ay ka qeyb qaadatay? Sax ma tahay in loogu aaro Ciraaqi ku dhintay duqeyntii Mareykanka iyo Ingiriiska? Mase tahay sax in loo dilo in aanay muslim ahayn? 

Maskaxda qofku waxaa wanaagsan in ay u furan tahay in ay su’aalo badan is weydiiso, jawaabtuna ay ku timaado u fiirsasho madax furan iyo baadhis xaqiiqa raadis ah oo qota dheer si uu qofku u gaadho faham buuxa.

Haddii aad dib u milicsato William Wilberforce oo wakhtigiisa iyo inta uu awood leeyahay isugu geeyay in la mamnuuco addoonsiga dadka, kuwaas oo dad madow ahaa, marka aad eegto muslimiinta Hutu ee Hutu xagjir ah ka hor istaagay in ay laayaan Tutsi-ga muslimka u maganta ah, marka aad eegto milyan-ka ruux ee isugu soo baxay in Ciraaq laga badbaadiyo weerar, marka aad eegto Kelitaliye Muslim ah oo dadka muslimiinta ee dalkiisa leynaya qaarna barakicinaya, marka aad aragto dalal muslim ah oo qani ah oo aan oggoloeyn in dalkoodu qaxooti aqbalo, marka aad aragto dalalka Galbeedka oo soo dhoweynaya qaxooti ay qaar badani Muslim yihiin siinayana xorriyad ka badan midda ay dalalkooda ku haysteen, waxaad arkeysaa in aan wax waliba caddaan iyo madow, muslim iyo gaal annaga iyo iyaga aanay wada ahayn.

Waxaa kugu dhalanaya su’aalo u baahan jawaab ka culus annaga iyo iyaga. Fiirso, feker oo fahamkaaga kobci.

Ugu dambeyn waxaa muhiim ah in qofka bani’aadamka ah oo Ilaahay sharfay ay ugu yaraan naftiisu kaa magan gasho.

Waxa Qoray Yuusuf Garaad Cumar

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.