WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, October 21, 2018 (Saxafi) – Golaha Aqalka sare ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya in muddo saddex cisho uu jawaab uga bixiyo khilaafka ka dhaxeeya dowlad gobolleedyada oo bishii September ee sanadkan Kismaayo kaga dhawaaqay in xidhiidhka ay u jareen dowladda dhexe.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay la daaheen sida uu hadalka u dhigay muddadii looga fadhiyay in ay jawaab ka siiyaan aqalka sare khilaafka taagan sidaa daraadeed looga baahan yahay madaxweynaha in ilaa 22ka bishan oo bari ah uu jawaab deg deg ah bixiyo.

SomlegalAds

Wuxuu sheegay in marar badan oo hore  codsiyo ay u ujeediyeen madaxda dowlad gobolleedyada aqbaleen, gaar ahaan in ay dib u dhigaan shirkooda golaha watashiga, balse dhinaca xukuumadda laga waayay jawaabtii looga baahnaa.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleed-yada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa hadda ku sugan magaalada Garoowe, halkaa oo ay ku yeelanayaan mid ka mid ah shirarkoodii caadiga ahaa ee wada tashiga, waxaana shirkan ka maqan madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horay u sheegay in uu la heshiiyay dowladda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.