WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 6, 2014 (Saxafi) – Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Somalia ee Qaramada Midoobay UNSOM, Marwo Fatxiya Serour, ayaa ka dhawaajisay inay u bogtay isla markaana taageerto dedaalka ay dadka reer Somaliland ugu jiraan inay ilaashadaan qadiyadda ay bulshada caalamka kaga rabaan in loo aqoonsado dal madax banaanida.

Gabadhan oo u dhalatay dalka Aljeeriya, isla markaana ku-xigeen u ah Nicholas Kay, madaxa xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Somalia (UNSOM) ayaa sidan ka sheegay kulankii labada maalmood Hargeysa uga socday hay’adaha mucaawinooyinka iyo dawladda Somaliland, halkaas oo ay si cad uga sheegtay inay taageerayso in bulshada Caalamku mar kale hoos u eegto baadi-goobka ay dadka reer Somaliland 23-ka sannadood ugu jiraan inay aqoonsi u helaan madax banaanida dalkooda.

“Waxaan ku hadlayaa dareen ka dhashay maadaama oo muddo yar oo aan joogay Somaliland wakhti hore, aan awooday inaan booqdo dhawr meelood oo ka mid ah dalka (Somaliland), meelahaas oo aan kula kulmay muwaadiniin heegan u ah ilaalinta jiritaanka madax banaanidooda” ayey tidhi Marwo Fatxiya, waxaanay intaas ku dartay wallow iyada wakhti xaadirkan fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, haddana ay dhiiri-gelinayso isla markaana taageerayso in Beesha Caalamku dib u eegaan doonista ay dadka reer Somaliland muddada saddex iyo labaatanka sannadood ah ku dalbanayaan in loo aqoonsado dal madax banaan.

SomlegalAds

Hadalka haweenaydan ayaa muujinaya mawqif ka duwan ka uu Nicholas Kay ka aaminsan yahay Somaliland, kaas oo uu kaga soo horjeedo qadiyadda doonista dadka reer Somaliland ee ah inay yihiin dal ka madax banaan dalkii Somalia laysku odhan jiray.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.