WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 29, 2018 (Saxafi) – Xafladda xidhitaanka sannad-dugsiyeedka 2017-2018 ee Dugsiyada Turkish Maarif Foundation ee Hargeysa ayaa lagu qabtay xarunta dugsiyadaas ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan ayaa waxa ka soo qaybgalay martisharaf meeqaam sare leh, kuwaas oo uu ka mid yahay Mr. Ali Noyan COŞKUN, Qunsulka Jamhuuriyadda Turkiga u jooga Somaliland, Mr. Abdulkadir COBAN, Agaasimaha Dugsiyada Turkish Maarif Foundation, Mr. Fatih POYRAZ, Isuduwaha ama Xidhiidhiyaha Gobolka ee Turkish Maarif Foundation, Mr. Ahmed Abokor Mohamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga, Mr. Daa’uud Axmed Faarax Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Mr. Musa Shide, Agaasimaha Dugsiyada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbaeashada, iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarah.

SomlegalAds

Xafladdan ayaa waxa abaalmarin lagu guddoonsiiyay Suldaan Omar Suldaan Mohamed Suldaan Farah, taas oo uu ku maamuusay Xidhiidhiyaha Gobolka ee Dugsiyada Turkish Maarif Foundation Mr. Fatih POYRAZ, taas oo daarran dedaallada joogtada ah ee uu Suldaanku ku garabgalay Dugsiyada Turkish Maarif Foundation Hargeisa Schools.

Mr. Abdulkadir COBAN, Agaasime Degmeedka Turkish Maarif Foundation ayaa sheegay in guulaha dugsiyada Turkish Maarif Foundation Hargeisa Schools ay halkaa ka sii socon doonaan, siina labanlaabmi doonaan mustaqbalka dhow.

Mr. Ali Noyan COŞKUN, Qunsulka Jamhuuriyadda Turkiga ee  Somaliland ayaa soo afmeeray munaasibadda, isaga oo abaalmarin iyo Diploma gudfoonsiiyay ardaygii ugu sarreeyay sannad dugsiyeedka 2017-2018 ee dugsiyada Turkish Maarif, Omar Mohamed Aadan, isaga oo si gaar ahna ugu mahadnaqay Mr. Axmed Abokor, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Suldaan Omar Suldaan Mohamed Suldaan Farah iyo Prof. Dr. Yasin Xaaji Mohamoud (Faraton), Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska JSL.

Sannadka 2018, 16 arday ayaa ka qalinjabiyay Dugsiyada Turkish Maarif Foundation Hargeisa, waxaana la rejaynayaa inay Waxbarashada Jaamacadeed ku qaadan doonaan dalka Turkey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.