WorldRemitAds

Hargeysa,Somaliland, March 26, 2012 (Saxafi) – Laba Mudaharaad oo kala ujeeddo ah ayaa shalay ka dhacay magaaladda Hargeysa.

Mudaharaadyadan ayaa mid ka mid ah laga horjeedday xadhiga muddo dhaafay ee masuuliyiinta u xidhan eeddo  musuqmaasuq. Halkakanlabaad uu ahaa mid ah ardayda dugsiga sere ee Quulle ku diidanyihiin Qashin lagu soo ururiyey meel u dhow dugsigoodda.

Ardday Xashiid Diid Ah

SomlegalAds

Ardayda dugsiga sare ee Quulle Aadan Dool ayaa mudaaharaad la hor tegay saldhigga Booliska ee degmada Axmed Dhagax ee magaaalada Hargeysa, kaddib markii uu maayarka caasimaddu amar ku bixiyey in la xidho maamulaha dugsigaas Md. Cabdillaahi Ibraahin Xasan oo ka hor yimid qashin-qub ay dawladda hoose ee caasimaddu ka binaysay afaafka dugsigaas, kaas oo ay ardayda dugsigu doraad burburisay.

Muddaaharaadka cabashada ah ee ay Ardayda dugsigu la hor tagtay saldhigga Booliska ee degmada Axmed Dhagax ayaa dhaliyay isku dhac dhexmaray ciidamada ammaanka iyo ardayda, iyada oo booliskuna halkaas ka rideen rasaas door ah oo la sheegay inay damacsanaayeen inay ku kala kaxeeyaan ardayda cabashada wadday.

Warku wuxu intaas ku daray in ardaydu ay dhagax-tuur iyo shiid kaga jawaabtay rasaasta ciidamada ammaanku ku fureen, iyada oo ay rabshadahaasi hadheeyeen badiba xaafadaha ku dhowdhow saldhiggan, ka hor intii aanay soo kala dhexgelin masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay hor kacayso wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi iyo saraakiil kale oo ka socotay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, kuwaas oo ku guuleystay in maamulaha dugsiga Quulle laga soo daayo saldhigga, isla markaasna ay ardaydu joojiyaan mudaharaadka cabashada ah.

Maamulaha dugsiga Quulle Aadan Dool, Md. Cabdillaahi Ibraahim X. Xasan oo kaddib markii saldhigga laga soo daayay u warramayay warfidiyeenka ayaa sheegay in ballanka uu saldhigga kaga soo baxay yahay in dugsiga laga ag raro goobtan qashin-qubka ah.  “Maalintii Khamiistii waxa dhacday in maayarka caasimaddu uu hawlgalka bilicda caasimadda ka fuliyey agagaarka dugsiga iyada oo jiingado  badan oo dad danyar ahi ku  jireenna ay cagaf geliyeen, sidoo kale iyaga oo leh bilic ayaannu ka shaqaynaynaa waxay dhagax-dhigeen dhisme ay ku ballaadhinayaan meel aannu horaba khaatiyaan uga taagnayn oo xashiiishka xaafadaha la keeni jiray.” ayuu yidhi Maamule Cabdillaahi, waxaanu intaas ku daray, “Sabtidii waxaannu duminnay dhismihii cusbaa ee xashiishka, qaybtii kalena waxaanu nidhi dhakhso ha nalooga raro, dabadeedna saaka subaxnimadii (Shalay) aniga oo soo kormeeraya  goobtii xashiishka, ardayduna ay xiisadahooda ku jiraan, ayaa waxa ii  yimi taliyaha boolis-ka ee  saldhigga Axmed Dhagax oo  igu yidhi maayarka caasimadda  ayaa igu amray inaan ku soo xidho, kaas oo noo soo sheegay inaad shalay dumisay goobtii qashinka imikana aad joogto goobtii xashiishka, ardayda dugsiguna waxay ka gadoodeen xadhiggii xaqdarrada ahaa ee laygula kacay.” ayuu yidhi Cabdillaahi Ibraahim, maamulaha dugsiga Quulle Aadan Dool ee magaalada Hargeysa, waxaanu u mahadnaqay Wasiirka Waxbarashada, Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi & Xoghayaha Gobolka Hargeysa Xamse Ciise.

Dhalinayradda Xadhig Diidka Ah

Dhinaca kale, waxaa shalay magaaladda Hargeysa ka dhacay mudahaarad kooxaha wadday ay diidanyihiin xadhiga  saddex masuul oo ay xukuumaddu ku eedeeysay inay ku kaceen musuqmaasuq Raashin loo waday Dadka masaakiinta ah. Waxaana ay dadka mudaharaadayay ku dhowaaqayeen in maxkamad la geeyo ama la sii daayo.

Dadkan ayaa iskugu soo yimi duleedka Madaxtooyadda iyaddoo ay halkaas kaga hortageen booliska u tobabaran mudaharaadka ee loo yaqaan RRU iyo SPU, kuwaas oo Rasaas u adeegsaday inay kala dareeriyaan dadkaasi.

Dadkan ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa dhawr boqol oo qof, kuwaasoo isugu yimid  barxada hore ee maktabada Masaarida oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada. Ciidamada Ammaanka ayaa la tilmaamay inay Xabsiga dhigeen ugu yaraan 6 qof oo ka mid ah dadkii mudaharaadyay.

Masuuliyiintan loo haysto arrimaha musuqa ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay baaqyo lagaga soo horjeeddo in Xabsiga lagu hayo iyadoo aan kiiskoodda lagu cadeyn ama aanay ka garqaadin Maxkamadi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.