WorldRemitAds

Arday reer Urdun ah oo wax ku barta dalka Ruushka ayaa noqday qofka ugu sareeya, Jaamacadaha Nukliyeerka ee dhamaan Federal-ka Ruushka, waxaanu ardaygan sidaa ku qaatay shahaadada ugu saraysa aqoonta maadiga ah ee Digtoor.

Ardaygan oo lagu magacaabo Ayman Abu Ghazal, waxa uu dhigtaa Machadka Qaranka Ruushka Ee horumarinta iyo baadhitaanada Nukliyeerka (National Russian University of Nuclear Research), oo magaciisana loo soo gaabiyo (MIVI).

SomlegalAds

Ayman Abu Ghazal, ardaygan reer Urdun ayaa noqday qofkii ugu sareeyay dunida carabta ee heerkan oo kale ka gaadha aqoonta nukliyeerka, waxaanu ku guulaystay kaalinta koowaad dhamaan ardaydii laga soo xulay jaamacadaha iyo machadyada kala duwan ee aqoonta Nukliyeerka u qaabilsan dalka Ruushka.

Abu Ghazal ayaa sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Russian Today (RT), noqday ardayga ugu horeeya, diyaarinta iyo baadhitaanada curiyayaasha kala duwan ee Nukliyeerka gaar ahaan adeegsiga Nukliyeerka ee korontada laga dhaliyo iyo adeegsiga waxyaabaha kala duwan ee caafimaadka iyo tignoolajiyada la xidhiidha.

Ardaygan reer Urdun ayaa ugu yaraan boqol nooc oo kala duwan oo maadooyinka Nukliyeerka ah, iyo sida ay isula falgalaan lagu diyaarinayo ku sameeyay muddo sadex saacadood ah, waxaanu adeegsaday maadooyinka kala duwan ee ay ka midka yihiin, Chromium, Nickel Iyo Titanium, waxaanu ka wada dhibco sareeyay dhamaan ardaydii kale ee imtixaanka la gashay oo sideed iyo sideetan qof tiradoodu ahayd.

Ayman Abu Ghazal oo ka socday wakaalada horumarinta nukliyeerka ee dalka Urdun, ayaa sidoo kale ku guulaystay nidaamka horumarinta nukliyeerka gaar ahaan adeegsigiisa qaabka nabad galyada ah ee Korontada lagaga dhaliyo, waxaanu awooday inuu sameeyo tijaabooyin ammaan ah oo nabad galyo leh looga samaynayo Nukliyeerka.

Tijaabooyinka laga qaadayay ardayda shahaadada Digtoorka ee cilmiga nukliyeerka qaadanaya, oo sanadkan loogu magac daray, “Innovative Electronics” nidaamka horumarinta Elegtarooniga ee Nukliyeerka, kaas oo si gaar ah loogu soo xulay aqoon yahanada ugu sareeya nukliyeerka ee ardayda waddamada adduunka ka kala socda ee wax ku barta Ruushka.

Inta badan saynis yahanadii iyo khabiiradii imtixaanka tijaabada ah ka qaaday khabiirada la tababarayay ayaa qiray, kartida iyo aqoonta xad dhaafka ah ee ardaygan reer Urdun, waxaanay intooda badan ku tilmaameen mid mucjiso ku noqonaysa aqoonta Nukliyeerka adduunka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.