WorldRemitAds

Mid ka mid ah qoyska Saldanada Cumaan u Talisa, ayaa guursaday gabadh ka mid ah boqortooyada dalka Jabaan, waxaanu guurkani noqday mid noociisu ku cusub yahay, qoysaska ka taliya waddamada Carabta oo intooda badan ah kuwo ku ad adag dhinaca dhaqanka.

Sida warbaahinta carabta intooda badani ku warantay, wiil uu adeer u yahay, Suldaanka ugu xukunka dheer dunida ee dalka Cumaan u taliya, Suldaan Qaabuus bin Saciid, oo lagu magacaabo, Xamad Bin Dayaab Al Aala Saciid, ayaa guursaday inan yar oo ay dhaleen qoyska dhaxalka boqortooyda dalka Jabaan leh.

Gabadhan oo lagu magacaabo Amiira Owada Masako, taas oo dhalatay sanadkii 1996-dii, kana mid ah carruurta ugu da’da yar qoyska boqortooyada dalka Jabaan, sida warbaahintu cadaysay arooskan ayaa ahaa mid qaabka Islaamiga ah u dhacay oo lagu meheriyay diinta Islaamka.

SomlegalAds

Laakiin lama sheegin inay gabadhani muslimtay, sababtoo ah waxa ay qoyska boqortooyada dalka Jabaan, aaminsan yihiin diin lagu magacaabo Shino oo u gaar ah qoyskaas, taas oo dadka taabacsani aad ugu yar yihiin xitaa gudaha dalka Jabaan.

Labadan boqortooyo ayaa ka mid ah qoysaska ugu ad adag dhaqankooda, ee aanay dhicin inay cid kale dibada ka soo guursadaan, lamana garan karo cid ka malxiistay ama sida ay isku gaadheen ee ay ilaa heer xididnimo iyo guur ugu suura gashay.

Xaflada guurka amiirka reer Cumaan ee guursaday Amiirada reer Jabaan oo ahayd mid si wayn indhaha caalamka iyo warbaahinta looga fogeeyay, ayaa sida tibaaxo laga helay muujinayaan meherku u dhacay qaab waafaqsan diinta Islaamka, oo waxa goobta laga cadeeyay in gabadha waligeedi oo ah aabaheed, Akishino uu hibeeyay, una soo wakiishay safiirka dalka Jabaan u fadhiya waddanka Saldanada Cumaan.

Shabakada Liveleak ayaa baahisay muuqaal fidiyow ah oo muujinaya, lamaanahan oo mid walba ku labisan yahay, dharka hidaha iyo dhaqanka waddankiisa oo haddana is garab taagan sawirna si wada jir ah u galay markii ugu horaysay sida ka muuqata.

Amiirka reer Cumaan ayaa ku labisnaa khamiis cadaan ah oo jubada madow ee ay ka dul xidhaan u dheer tahay, golxadka ama bilaawaha gunti qabadka lagu xidho iyo seef madow, halka Amiirada reer Jabaan ee u dhaxdayna ay ka gashanayd, toobabka midabkoodu cadaanka u badan yahay ee sharaxaada casaanka ah lagu xardhay, oo ah dharka ay dhaqan ahaan haweenka reer Jabaan ku labistaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.