WorldRemitAds

Dalka Hindiya ayaa markii ugu horeysay aroos wadareed uu qabtay ku saleeyay Saami qaybsiga Qoomiyadaha kala duduwan ee wada degga dalkaas Hindiya.

Dalka Hindiya oo ah kan labaad ee ugu dadka badan dunida, waxa inta badan laga soo wariyaa dhacdooyin layaab badan, waxaana dhacda in wax kasta oo dalkaas ka dhacaa ay noqdaan kuwa ugu tiradda badan dunida taas oo ka turjumaysa qiyaasta shacabka ku dhaqan dalkaas.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Dalka Hindiya ayaa aroos wadareed-kii ugu balaadhnaa dunidda u qabtay lamaane tiradoodu kor u dhaaftay 3600-qof kuwaas oo dhamaan dadka kala duwan ee dalkaas u ku dhaqan loo kala qaybiyay. Dadka qaban qaabinayay xafladan ayaa sheegay in maalintii arbacadii galbeedka dalkaas ugu yaraan la isugu aroosay lamaanayaal tiraddoodu dhan tahay 2433-lamaane kuwaas oo loo kala qaybiyay diimaha kala duwan guud ahaan tiradda sadexda kun iyo lixda boqol oo lamaane kuwaas oo diin walba inta kaga soo hagaagtay ahayd sidan 2433-lamaane dadka aaminsan diinta Hinduuska.

Halka 150-lamaane laga siiyay dadka Muslimiinta ah, 749-lamaane ayaa iyaguna ku soo hagaagay dadka Buudiisamka ah, Masiixiyiinta ayaa iyaguna qayb ahaan u helay 15-qoys, dadka Filibiiniyiinta lagu magacaabo ayaa iyaguna dhinacooda helay tiro lagu qiyaasya 252-qoys oo hor leh.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Aroos wadareedyadan ayaa qaarkood lagu qabtay meel banaan ah oo 150-km u jirta xarunta dalkaas ee Dalhi, waxaana ka qayb galay marti sharaftii ugu tiradda badnayd ee xaflad rasmi ah isugu taga ama lagu casuumo dalka Hindiya oo ah kan labaad ee dadka ugu tiradda badan dunidu ay ku dhaqan yihiin.

Dedaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii dadka beeralayda ee ugu badan dalkaas ay ku badatay dadka is dila ee naftooda goynaya waxaana tira koob la sameeyay uu muujinayaa in si wayn dhalinyarada isku dilayaa u badatay dalkaas.

Warbixin laga diyaariyay dhalinyarada beeralayda ah ee dalka Hindiya laga diyaariyay dhawr sanadkii ina dhaafay is haligay ee naftooda gooyay ay tiradoodu gaadhayso ilaa 17-kun oo qof, taas oo 7% ka badan sanadihii ka horeeyay. Isku soo wada duuboo waxa guud ahaan qiimaha xafdaas lagu qiyaasay aduun dhan sodon milyan oo Rubi lacagta dalka Hindiya una dhiganta 650-kun oo dollar.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.