WorldRemitAds

Aroosad Ninkeedii U Gacan Qaaday: Habeenka arooska ee lamaanuhu waxa uu ka mid yahay ama dunida badankeedu u aaminsan tahay, habeenka nolosha ee ugu farxada badan labada qof marka loo eego, hasa yeeshee sida Somalidu u tidhaahdo carab iyo labadiisa daan ayaa is diida, oo waxa suura gal ah, in mar kaliya wax walba is badalaan xaaladuna dhinaca kale isu rogto.

Tusaale ahaan sida sheekada qormadeenan arrimaha layaabka aduunka, oo ku saabsan dhacdo u qaadan waa ku noqotay dadkii maqlay iyo kuwii goob joogayaasha ka ahaa.

Dalka Maraykanka ayaa sida warbaahintu ka soo warisay, waxa dhawaan ka dhacdo layaab ah oo aad loo qariibsan karo, ku kacday, haweenay aroosad ah, taas oo habeenkii arooska iyo goobtii xaflada saygeedi cusbaa ee loo hoynayay kula dhex dagaalantay.

SomlegalAds

Aroosad Ninkeedii U Gacan Qaaday Kuna Dhaawacday Xafladii HoyntoodiiQoys ama lamaane cusub oo u dhashay dalkaas ayaa noloshu ugu curatay buuq iyo dagaal, ugu danbayntii sababay, in xabsiga loo taxaabo aroosadii qoyskaas ka dib markii ay qaniinyo ku dhejisay saygeeda sida warbaahinta Maraykanku ku warantay.

Jariirada (Tri – City Herald), ka soo baxda Washington oo warkan baahisay ayaa sheegtay, in booliska magaaladaasi ay soo galeen iyagoo waraaqo saman ah sita, si ay halkaas uga taxaabaan aroosada.

Booliska ayaa halkaas ka taxaabay haweenaydaas oo la sheegay in ay afartan jir da’deedu ahayd, balse aan magaceeda la baahin, sababo la xidhiidha sharciga dalkaas ee eedaysanaha awgeed, sida dad goob joog ahaa oo booliska gaadhsiiyay dagaalka qoyskaasi ku warameen, haweenaydan ayaa markii hadalku ka duulay iyada iyo saygeeda la miciinsatay qaniinyo.

Ninka Arooska ah ee la qaniinay ayaa diiday in uu wax markhaati ah ku furo xaaskiisa, sidoo kale waxa uu war fidiyeenada ka diiday, in wax sawir ah ay ka qaadaan, xitaa halkii xaaskiisu ka qaniintay, hasa yeeshee waxa la kala dhaqaajiyay xaaskiisi, oo boolisku ku eedeeyeen in ay ku kacday ama sababtay buuq qoys iyo dagaal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.