WorldRemitAds

Khabiirada ka tirsan shirkadaha waaweyn ee farsameeya telefoonada gacanta gaar ahaan “Google iyo Apple”  ayaa ku guulaystay farsamaynta nooc telefoonada Mobile-ka ku cusub oo kuwa gacanta lagu qaato ah, kuwaas oo awood u leh in qofka iibsaday ee isagu isticmaala oo kaliya ay u shaqeeyaan, haddii uu meel iska dhigo ama laga xaddo ama uu ka lumana aanay cid kale suura gal u noqonayn in ay isticmaasho.

Nidaamkan cusub oo loogu yeedho ama loogu magac daray, habka difaaca ugu adag ee tuugada mobil-ka lagula dagaalami karo, waxa uu noqday mid si wayn u hir galay, waxaanay dadkii lagu tijaabiyay mobiladooda kaga tageen meelo laga xaddi karo, ama lagu tuhunsanaa in tuugta telefoonada gacantu ku sugnaayeen, si ay si sahlan markiiba ugu xadaan, hasa yeeshee markii ay ku guul daraysteen ayay iska soo celiyeen qaar ka mid ah tuugtii xaday, ama ay dadkii uu ka lumay ka dalbadeen in ay baadi xafid siiyaan waayo? Waxa ay ku doodeen in ay u heleen telefoon ka lumay.

SomlegalAds

Si kasta ha ahaatee khabiirada iyo shirkadaha hindisay noocan cusub ee difaaca telefoonka gacanta lagaga ilaalinayo tuugta caadaystay xadistooda, ayaan noqon karin mis sidiisa u midho dhal noqda, waayo? Waxa jira tuug badan oo marka ay ku hongoobaan xadista mobilada gacanta ama uu u furmi waayo, laga yaabo in ay tuuraan ama jajabiyaan, waxa kale oo cabsi abuuraya farsama yaqaanada jabin jiray, nambarada sirta ah oo marka ay ku guul daraystaan laga yaabo in ay kharaabiyaan, si aanay cid kale u isticmaalin.

Khabiirada ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin, sidii loo samayn lahaa qaab kale oo cusub, oo suura gal ka dhigaya in telefoonkaasi xidhiidh la soo samayn karo qofkii laga xaday, oo nambaro gelinaya marka uu iibsado, kuwaas oo noqonaya nambaro uu la soo hadlo ka hor inta aanu tuuga xaday xidhin ee aanu bakhtiin, halka kuwo kale oo khabiirada tignoolajiga ka tirsani kaga hawlan yihiin sidii ay u samayn lahaayeen, telefoono xitaa haddii la bakhtiiyo ama laga tuuro kaadhka Sims Card-ka awood u leh in ay la soo xidhiidhaan qofka leh, gaar ahaan nambaro uu marka hore geliyay madaxaas.

Guud ahaan talaabooyinkan iyo fikirkan badan ee ay ku bixinayaan shirkadaha farsameeya Mobiladu waa walaac iyo cabsi ay ka dareemeen macaamiishooda, isla markaan ay doonayaan in ay ku suuq geliyaan, hasa yeeshee waxa ay dad badan oo arrimaha ganacsiga ka faaloodaa walaac ka muujinayaan sida ay suura gal u noqon karto in shirkadu daacad ka noqdaan oo ay farsameeyaan hab ammaan sugan ah oo lagu ilaalin karo telefoonada gacanta, taas oo aan u fiicnayn ganacsigooda, sababtoo ah? Mar kasta oo qof laga xado telefoonkiisa gacanta waxa shirkadaha u suura gasha in mid cusub laga iibsado.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.