WorldRemitAds

Jariirada New York Times ee dalka Maraykanka ka soo baxda ayaa dhawaan baahisay, sheeko aad u layaab badan, oo ku saabsan shan iyo sideetan jir ku walaftay xatooyada dahabka iyo kuulaha luulka ah, taas oo muddo todobaatan sanadood ah, kuna xaday dahab iyo luul qiimahooda lagu qiyaasay ilaa labaatan milyan oo dollar.

Tuugada Ugu Wayn DahabkaHabartan Tuugada iyo xatooyada dahabka ku caan baxday ayaa jariiradu sheegtay In lagu magacaabo, Doris Marie Payne, taas oo imika da’deedu tahay shan iyo sideetan jir, isla markaana wargeyska u sheegtay in toban jir ay ku bilowday tuugada, xatooyadii ugu danbaysay ee ay samaysayna ahayd todoba cisho ka hor oo ku beegnayd 23-kii bisha October 2015-ka.

Doris Marie Payne may ahayn mid ka xishoonaysa qirashada tuugo nimadeeda ay todobaatanka sanadood iyo dheeraadka ku jirtay, manay ahayn mid u muuqata inay ka toobad keenayso oo ay ka hadhay, waxaanay si cad ugu sheegtay wargeyska inay tuugada dahabka wakhti dheer ku guda jirtay, walina ay wado oo maalmo yar uun laga joogo markii ay labo takham oo shan boqol oo dollar qiimahoodu ka badan yahay ay xaday.

SomlegalAds

Sida ay waraysigeedan ku sheegtay waxa tuugada dahabka loo xidhay ugu yaraan 22-jeer, oo ay xabsi ku mudatay inta lagu qabtay, laakiin waxa taa badalkeeda ay sheegtay in kumanaan jeer oo kale ay ku guulaysatay oo aan la ogaan, lagana shakiyin.

Haweenaydan Tuugada ku gabawday ayaa waraysigeedan kaga warantay qaabkii ay xatooyada dahabka u bilowday, waxaanay sheegtay in iyadoo aad u yar ay dadka dahabka iibsha sheeko dheer ku mashquulin jirtay, ka dibna ay qarsan jirtay dahabka, taas oo sida ay ku dooday u ahayd hab ay ku xado oo aan la dareemi jirin.

Waxa kale oo ay sheegtay in markii ay waynaatay ee ay gabowday, dukaanada iyo dadka dahabka iibshaa aaminaan oo aanay ka shakiyin inay xado ama khiyaamo samayso, waxaanay rumyastaan ayay tidhi waxa aan u sheego ama aan ku doodo, waxaanay taasi ii saamaxday ayay tidhi inaan dahab badan xado.

Tuugada ayay ka bilowday Oklahoma, waxaanay ku galalaftay oo xatooyadu la gashay ilaa waddamo badan oo ka mid ah qaarada Yurub, ilaa ay ka noqotay qof ku caan baxday xatooyada dahabka iyo macdanaha qaaliga ah, oo ay xaday ku dhawaad labaatan milyan dahab u dhigma qiimo ahaan, wallow ay sheegtay in aanay wax aduun ah iyo kayd midna aanay ka haysan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.