WorldRemitAds

63 Jir caadaysatay inay diyaaradaha ku raacdo lacag la’aan iyadoo aan wax tigidh ah goosan sida dadka rakaabka ahi ku raacaan duulimaadyada.

Booliska dalka Maraykanka ayaa qabtay, haweenay dhawr iyo lixdan jir ah oo la sheegay, in ay khal khal ku hayso, nidaamka duulimaadyada ee dalka Maraykanka.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Haweenaydan oo magaceeda lagu sheegay Marilyn Hartman (63jirna da’deedu tahay), ayaa laga dhex qabtay diyaarad kuwa rakaabka ah oo ay iska fuushay, waxaana boolisku ku eedeeyay in haweenaydani caadaysatay iska fuulista diyaaradaha rakaabka.

Marilyn Hartman ayaa sadex maalmood oo isku xiga lagu xidhay sadex Madaar oo kala duwan  iyo diyaarado kala shirkado ah oo ay dhuumasho ku kortay iyadoo aan wax tigidh ah u goosan ama aan haysan tigidh diyaaradeed.

Islaantan ayaa marar badan laga soo dul taxaabay diyaarado ay tigidh la’aan ku fuushay oo ay doonaysay in ay ku safarto iyadoo aan wax lacag ah ka bixin.

Warbaahinta kala duwan ee Maraykanka oo dhacdada loo soo qabtay haweenaydan sadex iyo lixdan jirka ah, si wayn uga waramay ayaa ku tilmaamay xaalad waali ah oo ay caadaysatay haweenaydan, waxa kale oo ay warbaahintu ka warantay inta jeer ee ay tigidh la’aan ku fuushay diyaarado, kuwaas tobanaan tiradoodu ka badan tahay, hasa yeeshee marka laga reebo hal mar oo ay bilaash ku raacaday diyaarad ay tigidh la’aan ku kortay ay intooda kale ku guul daraysatay.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in aanay mar danbe sii dayn doonin haweenaydan oo ay maxkamad la tiigsan doonana, waxaanay boolisku warkooda ku dareen in dhaqankan tigidh la’aanta ay diyaaradaha ku fuulayso haweenaydani dhibaato ku yahay nidaamka duulista hawada ee dalka Maraykanka.

Warbaahinta Maraykanka qaarkood ayaa iyaguna daabacay warqado caafimaad oo haweenaydani leedahay kuwaas oo cadaynaya in ay maskaxda wax ka qabto oo aanay dhamayn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.