WorldRemitAds

Sanad kasta marka la gaadho maalinta ugu horaysa bisha April oo ah ta afraad ee sanadka Miilaadiga waxa waddamada reer galbeedka iyo meelo badan oo adduunka ah, looga dabaal degaa maalinta beenta adduunka loogu yeedho, oo muran badani taariikhdeeda iyo asal ahaan halka ay ka soo jeedaa ka taagan yahay.

Maalinta beenta aduunka loogu yeedhaa, ayaa sida muuqata taageerayaal badan iyo shacbiyad ku camal fala ku leh meelo badan oo dunida ah, kuwaas oo ku sii xisaabtama, waa maalin beenta la caadaystay, in la isku sheegaana ay wax fudud ka tahay, Waxa dhacda in qof loo sheego geerida qof uu aad u jecel yahay iyo waxyaabo kale oo wada been ah, kuwaas oo marka la isku qabtana lagaga jawaabo Beentii kowda April ayay ahayd, waxaana dhibanayaasha beentaas loogu yeedhaa, doqmihii maalinta beenta aduunka ee 1-da April.

SomlegalAds

Akhriste beentu waa xaaraan ay diinteenu inaga reebtay oo in la isu sheegaa reeban tahay, April iyo xili kalaba, Hasa yeeshee sida wax kasta oo aadamigu caadaystaa u leeyihiin asaas iyo meel ay ka soo dhambasheen ama xigteen, ayay maalintani u leedahay meel ay asal ahaan ka soo jeedo oo loo raaco, wallow si wayn la isugu khilaafsan yahay oo xitaa taariikhdeeda been badan laga sheegay.

Maalinta beenta 1-da April ayaa bilaabantay markii la sameeyay Taariikhda cusub ee aduunku ku dhaqmo ee loo yaqaano, Gregorian Calendar-ka, kaas oo uu qarnigii lix iyo tobnaad badalay boqor Gregory III, ee Romanku, kaas oo Calendar-kiisa cusub ka dhigay ka dunidu xiligan ku dhaqanto, kana wareegay kii hore ee 25-ka bisha March ka bilaabmi jiray, Calendar-ka cusub ayaa dabaal degiisu ku dhacay 1-da April.

Rasmi ahaan Beenta 1-da April waxay warbaahinta ku bilaabantay sida la rumaysan yahay qarnigii 17aad, xiligaas oo jariirad ka soo bixi jirtay dalka Ingiriisku, qortay sheeko been ah oo ay kaga been abuurtay Nebi Nuux (CS).

Jariirada ayaa wakhtigaas sheegtay in Nebi Nuux (CS), uu markii duufaanku dhamaaday uu shinbir xamaam ah diray, taas oo uu ka dalbaday inay soo eegto meel biyuhu ka yaraadeen oo doontu istaago, laguna dego, waxaanay sheeko beenadan ay jariiradu qortay sheegtay in shimbirtii xamaamku soo noqotay iyadoo sheegaysa meel duufaankii baabiiyay, ka dibna xayawaanadii kale ee doonta la socday ka wada yaabeen.

Jariirada ayaa ku dooday in beentu maalintaas oo ku beegnayd 1-da bisha afraad ee tirsiga miilaadiga cusub ay bilaabantay, waxa aragti taas oo kale la mid ah qabta jariirada todobaadlaha ah ee Harper ee dalka Maraykanka ka soo baxda oo iyada lafteedu beenta jariirada Ingiriisku baahisay mid la mid ah qortay dhawaan.

Dhibaata ay sababtay maalinta beenta aduunku waxay sababtay olole caalami ah oo lagaga soo horjeedo, waxaana jira masuuliyiin iyo wax garad badan oo ku taliyay in si heer caalami ah loo mamnuuco, laguna daro denbiyada caalamiga ah ee booliska dunida Interpol loo adeegsado inay ka hawl galaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.