WorldRemitAds

Vienna, Austria, June 10, 2018 (Saxafi) – Dalka Austria ee ka tirsan Midowga Yurub ayaa albaabada u laabey ugu yaraan todoba masaajid oo muslimiinta dalkaasi ku cibaadeysan jireen, waxaana ay dalkeeda ka tarxiishey dhawr Imaam.

Sababta loo xidhey Masaajidada isla markaana loo tarxiiley shuyuukhda ayaa lagu sheegay ka hortaga siyaasadda Islaamka iyo goobaha lagu barto wax loogu yeedhay xagjirnimo, sida uu sheegay Raysalwasaaraha dalkaas Sebestian Kurz.

SomlegalAds

Raysalwasaaraha Austria Mr Kurz ayaa ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee conservative OVP, waxaana uu Dawladda la soo soo dhisey Xisbiga ku dhisan ajaanib nacaybka ee FOPO.

Xukuumadda ayaa sheegtay arrintan in ay tahay bilow oo ay qarka u saaran yihiin ugu yaraan 60 imaam in dalka laga caydhiyo, kuwaas oo ay sheegeen in ay lacago ka qaadaan hay’ado kale oo shisheeye.

Dalka Turkiga ayaa canbaareeyey talaabada Masaajida lagu xidhey iyo tarxiilka loo geystey Imaamyada.

Dalka Austria ayaa dadka ku nool ay gaadhayaan 8.8 milyan oo qof, waxaana Muslimiinta dalkaas lagu qiyaasaa 600 000 oo qof oo Muslimiin ah.

 

 

 

Dalka Austria ee ka tirsan Midowga Yurub ayaa albaabada u laabey ugu yaraan todoba masaajid oo muslimiinta dalkaasi ku cibaadeysan jireen, waxaana ay dalkeeda ka tarxiishey dhawr Imaam.

Sababta loo xidhey Masaajidada isla markaana loo tarxiiley shuyuukhda ayaa lagu sheegay ka hortaga siyaasadda Islaamka iyo goobaha lagu barto wax loogu yeedhay xagjirnimo, sida uu sheegay Raysalwasaaraha dalkaas Sebestian Kurz.

Raysalwasaaraha Austria Mr Kurz ayaa ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee conservative OVP, waxaana uu Dawladda la soo soo dhisey Xisbiga ku dhisan ajaanib nacaybka ee FOPO.

Xukuumadda ayaa sheegtay arrintan in ay tahay bilow oo ay qarka u saaran yihiin ugu yaraan 60 imaam in dalka laga caydhiyo, kuwaas oo ay sheegeen in ay lacago ka qaadaan hay’ado kale oo shisheeye.

Dalka Turkiga ayaa canbaareeyey talaabada Masaajida lagu xidhey iyo tarxiilka loo geystey Imaamyada.

Dalka Austria ayaa dadka ku nool ay gaadhayaan 8.8 milyan oo qof, waxaana Muslimiinta dalkaas lagu qiyaasaa 600 000 oo qof oo Muslimiin ah.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.