WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 15, 2012 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa isku bedel ku sameeyay golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah madaxda hay’adaha Dawladda, waxaanu xilalkoodii ka qaaday xubno wasiiro ah, halka qaarna uu isku bedel ku sameeyay.

War-saxaafadeed subaxnimadii hore ee shalay magaalada Hargeysa ku waaberiisatay ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu xilkii ka qaaday wasiirada Maaliyadda, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Hawlaha Guud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada. Sidoo kale waxaa xilalkii laga wasiiro ku-xigeenadii Maaliyadda, iyo Arrimaha dibadda. Sidoo kale waxa iyagana xilalkii laga qaaday Gudoomiyihii iyo Gudoomiye ku-xigeenkii hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Madaxweynuhu masuuliyiinta uu xilalka qaaday ayuu qaarkood u magacaabay xubno cusub, sida Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu u magacaabay wasiirka Maaliyadda, Boobe Yuusuf Ducaale oo uu u magacaabay wasiirka warfaafinta iyo Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo uu u magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

SomlegalAds

War-saxaafadeed isku-shaandhayntan ayaa waxa uu dhignaa sidan:

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                                   Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                           Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                                   In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

Markuu Ka Fiirsaday:                      Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

Markuu ku Qancay:                         In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-

NO Magac-yada Masuuliyiinta Cusub Magacaabidda Wasaaradda loo magacaabay
1 Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade

(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta)

Waxa loo magacaabay Wasiirka  W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta
4 CaliSiciid Raygal

(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka)

Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5 Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6 Cabdilaahi Abokor Cismaan      (Xil Cusub) Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha  Maamulka  ee W. Arrimaha Gudaha
7 Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8 Mawliid Maxamuud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9 Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10 Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11 Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-

No Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1 Eng.Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii  W/ Maaliyadda
2 Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii  W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
4 Dr. Axmed Xaashi Oday

Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda

Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5 Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii  W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6 Warsame Siciid Cabdi Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
7 Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
8 Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)
9 Axmed Cali Xirsi (Sulub) Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

Haddaba, isbedelka Madaxweyne Siillaanyo ku sameeyay golihiisa wasiirada, isla markaana shaqadii kaga eryay xubno ugu muhiimsanaa xukuumadda ayaa la rumaysan yahay inay sabab u ahaayeen arrimo door ah.

Haddii aynu ku horeyno wasiirkii Maaliyadda, ayaa sababaha la rumaysan yahay in xil ka qaadista Maxamed Xaashi keentay ay ugu horeysaa inaanu Maxamed Xaashi ahayn nin foojar hawl-yari looga saxeexayo, sidaas darteed waxay dad badani u arkayeen nin dagaal kula jira musuq-maasuqa, halka ay dad badan oo kalena u arkayeen nin jeel ah oo aan waxba kala socodsiinayn, inkastoo la sheegi jiray inaanu oday Siillaanyo aad u jeclayn eriga Maxamed Xaashi, haddana waxa la sheegay in kooxaha ku xeeran odayga oo rag iyo dumarba leh ka fara-maroojiyeen, uguna macneeyeen nin caqabad ku ah geedi-socodka hawlaha xukuumadda.

Waxa kale oo la rumaysan yahay gawricii sida degdegga ah loo gawracay Badhasaabkii hore ee Hargeysa ay hordhac u ahayd khaarajinta Maxamed Xaashi.

Meelaha Maxamed Xaashi laga raacay waxa ka mid ah xayiraad la sheegay inuu ku soo rogay Miisaaniyadda wasaaradda Arrimaha Dibadda, sababtuna ay ahayd dhaqaale badan oo ay isticmaashay wasaaraddu, gaar ahaan waskiirka oo la tuhunsan yahay inay jeebab gaar ah ku dhacday, iyadoo uu agaasimihii guud ee Arrimaha Dibaddu hore u soo bandhigay boqol kun oo dollar oo ku maqan gacmaha wasiirka arrimaha dibadda.

Waxa kale oo la rumaysan yahay in Maxamed Xaashi laga raacay bixinta lacagaha aan sifo sharci ugu jirin Miisaaniyadda Qaranka.

Waxa kale oo jira tibaaxo odhanaya magacaabista Wasiirka Maaliyadda loogu magacaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ahayd balanqaad uu hore u sii galay Madaxweyne Siillaanyo, kaas oo marka horeba qorshuhu ahaa in muddada hore Maxamed Xaashi wasiirka Maaliyadda sii qabto ka dibna Mudane Samaale lagu bedelo, haddana la gaadhay wakhtigii qorshuhu ahaa in Samaaale xilkaas la wareego.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ilhaan Maxamed erigeeda muddo ayey hadal-haynteedu socotay, waxaana had iyo jeer la maqli jiray tibaaxo odhanaya nafsad wanaagsan loogama hayo aqalka Madaxweynaha.

Axmed Xaashi Oday, laftigiisa muddo waa la maqlayey erigiisa, waxaana la sheegay in waxyaalaha laga raacay ay ka mid yihiin xidhiidho dhexmaray isaga (Axmed Xaashi Oday) iyo shirkadda Telesom oo aan aqalka Madaxtooyada laga jeclayn.

Hase yeeshee waxay dadka xog-ogaalka ah badidiisu wax badan ka ogeyn halka laga raacay Ismaaciil Muumin Aare oo lagu bedelay Garaad, iyadoo ay ayaamihii doorashada madaxtooyadu dhacaysay ay Ismaaciil iyo Garaad kala joogeen laba daraf oo aad u kala fog, kaas oo uu Ismaaciil Muumin u weerraa inuu Axmed Siillaanyo noqdo Madaxweyne, halka uu Garaadna weer-cad u xidhnaa inuu Daahir Madaxweyne noqdo.

Sidoo kale waxaan iyana wax badan laga ogeyn halka laga raacay wasiirka ciyaaraha oo muddo yar oo bilo gaadhaysa xilka hayey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.