WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 18, 2018 (Saxafi) – Baadhitaan lagu sameeyay shan mashruuc oo ka socda Somaliland ayaa lagu oggaaday in ay u socdaan sidii loogu tala-galay.

Natiijadda baadhitaanka lagu sameeyey shanta mashruuc ee ka socday Somaliland ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo ah mashaariic horumarineed oo uu maalgeliyay Baanka Adduunka.

SomlegalAds

Shantan mashruuc ayaa kala ah mashruuca dib u habaynta maamulka maaliyadda Somaliland ee PFM, Mashruucii Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ku diiwaangelisay shaqaale weynaha dawladda, mashruuc ka socda Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo sidoo kale mashaariic kala duwan oo baanka adduunku ka fulinayo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland.

Baadhitaankan oo ay iska kaashadeen Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Somaliland iyo shirkad baadhitaannada caalamiga ah ka shaqeysa oo la yidhaahdo BTM, ayaa lagu sheegay in mashaariicdaasi si habsami ah u socdaan.

Hantidhawraha guud ee qaranka, Axmed Yuusuf Dirir iyo saraakiil ka socotay shirkadda BTM ayaa caddeeyey in hawsha mashaariicdaasi ay habsami u socdaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Maxamed Daahir Axmed, ayaa sheegay ahmiyadda ay dalka u leedahay hagaajinta nidaamka maamulka maaliyadda iyo daahfurnaantooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.