WorldRemitAds

Muqdisho, Soomaaliya, November 15, 2015 (Saxafi) – Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa shalay ku dhawaaqay in ciidamada Kenya ka baxaan dalka Soomaaliya ka dib markii xuduudda u dhexeysa labadaasi dal ku soo durugtay Kenya.Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labaddii maalmood ee u dambeeyey ka doodayey xeyndaab dheer oo lagu xidhayo xuduudda Somalia iyo Kenya u dhexeysa, taas oo la sheegay in Kenya burburisay astaamihii cadaynayey xuduudda labadda dhinac, taasina ay ku abuurtay shaki ah inay Kenya doonayso inay ku soo durugto xuduudda Soomaaliya si xuduudda badda ee ay isku hayaan meesha uga baxdo.

Guddiyadda arrimaha Dibadda iyo gudaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saaray xuduudda ay ku soo durkayso Kenya, waxaana qodobadda qaraarkaasi ka mid ahaa  in Kenya ay joojiso darbiga ay ka dhisayso xuduuda ay Soomaaliya la leedahay, inay Kenya ka fogaato burburinta xuduudihii ay dhex-dhigeen gumeystayaasha labada waddan, in Kenya ay kala baxdo ciidamadeeda Somalia iyo qodobbo kale.

Baarlamaanka_Somalia_Codeyn_Sharci_660Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan xubnaha sare ee guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka Somalia ayaa Warbixinta ay soo diyaariyeen ka hor-akhriyay xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

SomlegalAds

Guddiyadu Wuxuu Qaraarkooda kusoo jeedinayaa Arrimo ay ka mid yihiin:

  1. Inay xukuumadda Kenya si deg-deg ah oo rasmi ah u joojiso dhismaha darbiga ay xadka ka dhisayso.
  2. Inay dowladda Kenya ka fogaato tir-tirisda iyo baabi’inta calaamadihii ay dhex-dhigeen gumeystayaashu labada waddan.
  3. In dowladda Kenya ay ilaaliso xidhiidhka Walaalnimo, Darisnimo iyo Saaxiibtinimo ee ku saleysan iskaashiga labada dal.
  4. In la baahijo dhibaatooyin ama xasarad ka abuurmi kara sii wadiddaa dhismaha darbiga sharci-darrada.
  5. Si loo dhiso jawi ku dhisan kalsooni iyo is-aaminaad ay dowladda Kenya muddo kooban ciidammadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

Sidoo kale, xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in dhanka kale dowladda Somalia looga baahan yahay inay weydiisato Beesha Calaamka, sida; Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo IGAD sidii ay gacan buuxda uga geysan lahayd bixitaanka ciidamada Kenya iyo xoogaggii kaalintooda buuxin lahaa.

Xildhibaanka ayaa xusay in qaraarkoodu uu ka dalbanayo Beesha Calaamka inay gacan ka geysato meel-marinta qaraarka baarlamaanka Soomaaliyeed kasoo baxay iyo in hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo maamul-goboleedyada ay ku dhaqmaan, ilaaliyaanna dastuurka iyo xeerarka dalka ee la xidhiidha, dhul, bad iyo hawo.In la magacaabo guddi isku dhaf ah oo ka kooban xukuumadda, baarlamaanka, garsoorka iyo wixii la hal-maala, si loo xaqiijiyo fulinta iyo weliba ku dhaqanka qaraarka baarlamaanka Somalia.

Intaas, kaddib xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa soo jeediyay in Qaraarka ay soo diyaariyeen labada guddi loo bedelo mid sharci ah, iyadoo la gudo-galay in xildhibaannada baarlamaanku ay u codeeyaan Qaraarkaan si sharci looga dhigi lahaa.Waxaana Qaraarkaan ogolaaday 160 xildhibaan, iyadoo ay laba xildhibaanna diideen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo kulankaasi shalay ka hadlay ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo yidhi. “Natiijadu codeyntu waxay noqotay… 160-xildhibaan oo ogolaatay in Qaraarkaan loo bedelo sharci, waxaa diidday laba xildhibaan, wax ka aamusayna ma jiraan.”

Dhanka kale, Prof. Jawaari ayaa faray guddiyadii soo diyaariyay Qaraarkaan ee arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha inay 48-saacadood gudahood sharcigaan kusoo sameeyaan ayna baarlamaanka horkeenaan maalinta Isniinta ah ee nagu soo foolka leh.

Dhinaca kale,Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), ayaa ku dooday inaanay haboonayn Somalia dacweyso ama collaysato dawladda Kenya, maadaama ay danno badan ku qabto abaal ku aadan marti galinta qaxoontigana hore iyo haddaba ugu gashay.

Axmed Madoobe, oo lagu tiriyo inuu gacan saar dhaw la leeyahay xukumadda Kenya ayaa isagoo Nairobi ku sugan saxaafadda u sheegay in wanaag lagu dhammeeyo arrimaha muranka xuduudka waxaanu yidhi “Kenya waxay mudan tahay inaan nidhaahno waa mahadsan tihiin. kumanaan qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan xeryaha Dhadhaab, Nairobina way joogaan, ma aha in hal mar colaad la abuuro Kenya iyo Somalia, taasi waxay noqonaysaa khalad, wixii dhul ku saabsan si degen ayaa looga hadlayaa, Keenyana waa lagala hadlayaa.”

Axmed Madoobe oo arrintan ka sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in muranka jira guddi aan innagu ka mid nahay loo saaro; xudduudku meelna kama qaloocsami karo, waa la yaqaan, mana ogolin hal taako, mana jirto cid aan kula shuraakoobayno, aniga iyo Kenya kuma heshiin inay 1-mitir oo dhulka Somalia ka mid ah ay qaadato, fikirka ay u soo galeenna ma ahayn in ay dhul qaataan, balse waxay ahayd amnigooda oo khatar galay oo keliya.”

Somalia ayaa dhawaan sheegtay inaanay Kenya kala tashan darbiga xuduudka labada dal ay ku xidhayso. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay inay arkeen Kenya oo baabi’inaysa calaamadaha xuduudka, si ay Somalia ugu soo durkaan. Kenya ayaan wali ka hadal muranka cusub ee ku saabsan inay gudaha Somalia ku soo durugtay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.