WorldRemitAds
Sida wakaaladaha wararka badankoodu ay ka soo wariyeen dalka Tunis, golaha barlamaanka waddankaas ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday, sharci cusub oo tacriifada Khamriga noocyadiisa kala duwan ku saabsan, kaas oo ku baaqayay in cashuur dhimis wayn loo sameeyo khamriga.

Fadhiga golaha barlamaanka oo la qabtay gelinkii danbe socdayna ilaa habeenimadii, waxa la soo hordhigay xeerkan cusub ee cashuur dhimista khamriga, kaas oo si duuduub ah uu goluhu ku ansixiyay, taageero xoog lehna xildhibinaada ka helay.
البرلمان-التونسيFadhiga oo ay guddoominaysay haweenayda ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka dalkaas, ayaa mudanayaasha fadhiga ku sugnaa oo tiradoodu ahayd shan iyo sagaashan xildhibaan, ka codsatay inay u codeeyaan cashuur dhimista khamriga iyo dhiiri gelinta ka ganacsigiisa ee golaha hor yaala, waxaana ogolaaday sagaashan mudane.
Waxa diiday afar xildhibaan oo kaliya, guddoomiyuhuna muu codayn, ayay guddoomiyaha oo natiijada codkii goluhu u qaaday xeerkaas ka hadlaysa ay sheegtay, waxaanay tilmaantay in xeerkaasi uu ku meel maray ogolaanshaha mudanayaasha cod aqlabiyad ahna uu helay.
Intaa ka dib waxa ay guddoomiyuhu mudanayaasha golaha ku war gelisay in la gaadhay, xiligii salaada faralka ah ee Makhrib, sidaa awgeed uu fadhigu geli doono, fasax shan iyo toban daqiiqo ah oo salaada la soo tukado, ka dibna dib la isugu soo noqdo, sii loo lafo guro, shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee golaha hor yaala.
Arrinta xiisaha badan ee sida wayn shacabka dalkaas ku dhaqan badankooda iyo dunidaba ka yaabisay ayaa ah, in xeerkan cashuurta lagaga dhimayo khamrigu noqonayo, kii ugu horeeyay dunida ee gole baarlamaan uu ku ogolaado in shay maandooriye ah cashuurta laga dhimo, xitaa waddamada aan muslimka ahayn kama dhicin in khamriga cashuur dhimis loo sameeyo.
Waxa kale oo si wayn looga wada yaabay, in xildhibaano muslimiin wada ah, oo dal Islaam ah laga doortay, ay ogolaadaan xeer sidan oo kale ah, kaas oo xildhibaan la waydiiyay, nooca khamriga ay ogolaadeen in cashuur dhimis loo sameeyo, uu sheegay in dhamaan noocyada kala duwan ee Alcohol-ka oo dhan uu xeerkani qiimo dhimis cashuureed u samaynayo, waxaanu mudanahaasi yidh, “Waa nooc kasta oo khamri ah, haday tahay, Wisk, Champaign iyo Nabiidka oo dhan.”
In kasta oo dalka Tuunis uu ka mid yahay waddamada khamriga ugu badan dhoofiya, dhaqaalaha badanina uu ka soo galo, haddana intiisa badan wuxuu ahaa, mid laga tuujiyo cinabka oo laga sameeyo Khamriga Nabiidka loo yaqaano, kaas oo isagoo aan alcohol ku jirin oo si dabiici ah loo khamiiriyay ay u dhoofiyaan waddamada Faransiiska, Isbayn, Jarmalka iyo Switzerland.
Isku soo wada duubo, talaabada xildhibinaada barlamaanka Tunis ay cod aqlabiyad ah inta ay xeerka cashuur dhimista khamriga ku ogolaadeen, ka dibna ay salaada Makhrib ugu dareereen iyaga oo u codeeyay, in khamriga iyo ka ganacsigiisa la dhiiri geliyo ayaa noqotay dhacdo, ku biiraysa arrimaha ugu layaabka badan aduunka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.