WorldRemitAds

Baarlamaanka Dalka Jaban oo ka mid ah golayaasha sharci dajineed ee ugu horeeya dunida ayaa lagu tilmamaay, in sida ugu wanaagsan ay ugu dhaqmaan xeer hoosaadkooda, hawl maalmeedkoodana si wanaagsan u guta, waxaanay mudanayaasha golahaasi ka mid yihiin, kuwa ugu habsaanka yar ee aan fadhiyada golaha ka maqnaan.

Sida sharciga golahaas u yaala yahay, waxa aroortii marka waagu baryo ama ay shanta subaxnimo tahay soo gala, shaqaale boqol ku dhow dhow, kuwaas oo nidaamiya, miisaska isla markaana hagaajiya kuraasta, waxa ay shaqaalahani si habsamaan ah oo la cabirayo xitaa u dhig dhigaan koobabka si is leegna waxay u fuudhiyaan, kuraasta mudanaayashu ku kala fadhiisanayaan.

Qof kasta oo ka tirsan golaha baarlamaanka Jaban waxa uu fadhiistaa meesha ugu horaysa ee marka la dhaariyo, uu garsooraha maxkamada sare u tilmaamay, qof kasta oo ka tirsan golaha baarlamaanka Jaban waxa loo ogol yahay, alaab la mid ah ta mudanayaasha kale qaadan karaan, laakiin wax ka badan looma ogola.

SomlegalAds

Ma jiro, mudane aan sideed saacadood oo shaqo ah qaban, haddii aanu fasax ku maqnayn, waa in uu rawaxo marka dadka shaqaalaha ah ee reer Jabaan ka rawaxaan xafiisyada iyo goobaha shaqada, waxaanay taasi ku salaysan tahay habka shaqada.

Ma dhici karto in la arko mudane ka tirsan golaha Baarlamaanka Jaban oo dibada taagan wakhti dood ay ka socoto fadhiga, mudane kasta waxa uu xidhaa telefoonkiisa gacanta waxaanu iska dhigaa wixii faro laab kale ah ee aanu la gali Karin golaha sida dalada ama ul haddii ay jirto, kuwaas oo uu ku rito khaanad ka mid ah kabadka golaha oo uu isagu haysto nambarada lagu furo.

Hab dhaqanka golaha baarlamaanka dalka Jaban waxa uu aad uga soo hor jeeda golayaal badan oo ka jira dunida, kuwaas oo mudanayaashoodu marka la soo doorto wixii ka danbeeya ay ku shaqeeyaan, hab xeer jajab ah oo ka baxsan nidaamka, isla markaana ay maamuusta la siiyay uga faa’iidaystaan danahooda gaar ah iyo ta xisbigooda.

Mudanayaal tiro badan oo lacago badan ku qaata shaqadooda loo soo doortay, Ayaan maalin qudha dadkii soo doortay kula noqon wax talo, tixgalin iyo horumar midna ah, waxaana inta badan la arkaa mudanayaasha danaysigu yahay ujeedada ay baarlamaanka u tagaan, iyagoo difaacaya dano gaar ah, sida heshiisyo loo ansixinayo shirkado, kuwo lagu taageerayo mooshino dawladu wadato iyo kuwo la xidhiidha hay’adaha caalamiga ah, taas oo ka dhigaysa in meeshii dhadhan ku jiro ay shaqadiisu runta ahi tahay sida uu wax u wado markaad eegto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.