WorldRemitAds

Badhan, Somaliland, June 12, 2019 (Saxafi) – Maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa shir ka wadda maggaallada Badhan ee Somaliland.

Sida wararka aanu hellay sheegayaan, waxaa  magaalada Badhan soo gaadhay Xubno xilal ka haya maamul goboleedkan iyo Siyaasiyiin aaminsan fikirka Soomaali weyn oo laga soo abaabulay sida warku sheegay magaallada Garoowe, Waxa kaloo magaalooyinka kala gedisan ee gobolka laga abaabulay Cuqaal, Nabadoono iyo odayaal.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Xubnahan ayaa la filayaa inay magaalada Badhan ku yeeshaan kulamo kala gedisan, Waxana la wariyay in ay doonayaan in ay magaalladaas ku qabtaan shirweyne ay ku sheegeen mid lagaga arranisan doono “Aayaha Mandaqada”.

Xubnaha Maamulka Puntland ka tirsan ee gaadhay Badhan waxa kamid ah sida warku sheegay Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdillaahi Maxamed Xasan (AGAF), Wasiiru dowlaha Deegaanka Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku-xigeenka Arimaha Guddaha Maxamed Musadiq, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdisaalan Siciid Faarax, Wasiir ku-xigeenka Garoomada iyo Duulista Hawada Sucaad Saalax.

Hore waxa u joogay Badhan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed – Dhoobo, waxa kale oo tagay sida la sheegay Xubno kala ah Cali Axmed Dhahar, C/raxmaan Dhoore, Axmed Cabdi Jaamac. Iyo sidoo kale, Cuqaal iyo Odayaal laga abaabulay Magaalooyinka Damalaxagare, Xingalool, Ceelbuuh, Midigale, Buraan iyo magaalooyin xataa ka baxsan Somaliland iyo Somalia ba.

Ka dib, hawlgallo dhawaan ka dhacay Tuullada Damalaxaggare, waxaa la sheegay in maamul goboleedka Puntland dagaal uu ka wadday aagga Tukaraq ee Gobolka Sool u wareejiyay Gobolka Sanaag oo uu isku dayayo inuu abaabul xoog leh ka gallo. Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal dhacdooyinkan, In kasta oo dhawaan uu inta badan socdaal ku maray Wasiir ka tirsan Xukuumada Somaliland bariga Gobolka Sanaag ee dhaqdhaqaaqyadda laga wariyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.