WorldRemitAds

Badhasaabka Gobolka Texas ee dalka Maraykanka Greg Abbott, ayaa suxufiyiinta ugu hanjabay inuu toogan doono, haddii ay war danbe ka qoraan mashruuca ruqsada hubka in dadku qaadan karaan, kaas oo badhasaab ahaan dabada ka riixayo kana mid yahay dadka sida wayn u taageera.

Badhasaabka gobolka ugu dhaqaalaha badan dalka Maraykanka ee Texas Greg Abbott, ayaa hanjabaadan u jeediyay suxufiyiinta, xili uu ruqsada hubka ka qaadanayay xafiiska diiwaan gelinta hubka ee gobolkaas, kaas oo u sharciyeeyay bastooladiisa gaarka ah.

Ka dibna uu badhasaabku si toos ah u tagay fagaaraha Danbaska ee caasimadda gobolkiisa, halkaas oo uu ku tijaabiyay, qadar saacad ku dhowna uu ku samaynayay dhoog barasho la xidhiidha baastooladiisa.

SomlegalAds

Badhasaabka gobolka Texas oo ka soo baxay xisbiga Jamhuuriga ayaa sanadkii 2015-kii, loo doortay madaxtinimada gobolka, waxaanu ka mid yahay siyaasiyiinta meel ka dhacyada badan ee hadalada is dhaafka ah had iyo jeer ku hadla ama mar kasta oo uu la hadlo warbaahinta xasarada abuura.

In kastoo uu si jees jees iyo ciyaar ah u yidhi hadalkan, haddana waxa uu ku noqday mid canbaarayn iyo eedaymo badan u soo jiiday, aadna uga xanaajiyay ururada Difaaca saxaafada dalka Maraykanka iyo kooxaha u ololeeya in la xakameeyo sidashada hubka gaarka loo leeyahay.

Kuwaas oo baaqyo ay ku canbaaraynayaan meel ka dhaca badhasaabka soo saaray, kuna tilmaamay anshax daro ka baxsan hogaaminta iyo masuuliyada, waxaanay dhinacyadan ku lidka ah badhasaabka gobolka Texas ay codsadeen in maxkamad lagu soo taago hanjabaada uu warbaahinta u jeediyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.