WorldRemitAds

“Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday xaafad la deggan yahay oo ka mid ah magaalada Burco….”

“Ragii naanaysaha lahaa buu ina Cigaal yidhi, way garanayaan…” –Ramaax

Hargeysa, Somaliland, August 27, 2017 (Saxafi) – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa digniin adag u diray koox dabley ah oo weerartay xaafad ka mid ah magaalada Burco oo ay deggan yihiin dad danyar ah, kooxdaas oo sheeganaysa dhulka ay qoysaskani deggen yihiin.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanu jirin wax go’aan maxkamadeed ah oo fulin lagu soo saaray oo soo gaadhay xafiiskiisa, isla markaana aanay u dulqaadan doonin cid kasta oo ku kacda fal amni darro, waxaannu intaa ku daray in shaqsiyaadkii weeraray xaafada Aadan Saleebaan ee Burco in tallaabo adag ay ka qaadayaan oo sharciga la hor keeni doono. “Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday xaafad la deggan yahay oo ka mid ah magaalada Burco oo la yidhaahdo Aadan Saleebaan, falkaasina wuxuu ahaa fal aad u fool xun oo aan la aqbali karin, cid kasta oo shaqaaqadaa ku kacday oo dadka rayidka ah rasaas u adeegsaday waajibka naga saaran ayaannu ka qabsanaynaa, ciidankuna imika way ku hawlan yihiin in ay soo qabtaan oo ay gacanta ku soo dhigaan,”ayuu yidhi Ramaax. Waxaana uu intaas raaciyay oo yidhi, “In badan ayuu meesha muran ka jiray oo muddo ayuu soo taxnaa laakiin wax go’aan maxkamadeed ah oo ka soo baxay iyo fulin laga soo saaray oo na soo gaadhay ma jirto cid odhan karta sharciga gacantayada ayaannu ku fushanaynaana ma jirto, dalkana dawlad qudha ayaa ka talisa, cid kasta oo dambi gashana sharciga ayaannu horkeenaynaa. Waxaad moodaa in ay soo baxday fikrad xun oo qaldan oo ay shaqsiyaad boob doon ahi ay wadaan oo ah dawladda xilligeedii wuu dhammaanayaa ee sii booba, taasina cidna u suurageli mayso, cid kasta oo fikirkaa wax boobka ah aaminsanna tallaabada ku habboon ayaannu dawlad ahaan ka qaadaynaa. Kooxdaasina shalay ayay rasaas ku rideen dadkii xaafada deganaa, ciddina waxba kumay noqon oo halkaa qasaare kama dhicin, isla markiibana waxaa ka hawlgalay ciidanka booliska oo ku daba jira, hawshaas baadhisteediina way socotaa.”ayuu yidhi.

SomlegalAds

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay dad uu ku sheegay ciyaal suuq oo rabshado sameeyey oo uu xidh xidhay, waxaanu sheegay in dadkaasi la xidh xidhay ay ceeb ku tahay inuu xisbiga WADDANI sheegto, waxaanu sheegay in aanay u dulqaaddan Karin dadka noocaas oo kale ah oo amniga waxyeelaysa.

“Waa nasiib daro in aan wax aan jirin hadal iyo goor la sheego, inay Waddani sheegato oo yidhaahdaan xisbiyagu ahaa aad baan uga yaqyaqsoonayaa inamo yaryar oo ciyaal suuq ah oo dhagax meel isla taagay oo aanu wax ka qabanay oo ah shaqadii na loo igmaday oo ah inaanu ilaalino nabadgalyadda iyo anshaxa ummadda, waxaanu balanqaadnay in xisbiyada dhex u nahay waanna u naxahay, in xisbi sheegto qof khariban oo ama wax xaday yidhaahdo waa xisbigayaga, ama qof wax caayey oo maxkamadda lagaga soo dacwooday oo sifihii sharciga ahaa loo soo maray inay xisbiyadda qaranku sheegtaan waa wax aad looga yaqyaqsoodo”ayuu yidhi Ramaax oo ka jawaabayey eeddoo loo soo jeediyey.

Ramaax mar uu ka hadlayey siyaasiyiin maalmo dhowaad ku soo biiray xisbiga WADDANI waxa uu ku tilmaamay siyaasiyiin aan waxba usoo kordhin Karin xisbiga WADDANI, kii ay ka tageena rabash uun kaga tagay, waxaanu yidhi “maahmaahdii adeerkay baan ka odhanayaa siyaasiyiintaasi, ragii naanaysaha lahaa buu ina Cigaal yidhi, way garanayaan Muuse Biixi in aanay mansab ka helayn, halkay tageena maaha kuwo wax u kordhinaya, waa rag aanu soo wada shaqaynay oo Cabdilaahi Cirro waa saaxiibkey, ina Jaambiir wasiirkaygii buu ahaa, hawlgaladii barigii ee adkaa ayaanu ka wada qaybgalnay, raggan waanu is wada garanaynaa, waxaan leeyahay ragii naanaysaha lahaa waxbana halkaasi ku soo kordhin maayaan, halkana xumaan uun bay kala tageen”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.