WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 17, 2012 (Saxafi) – Badhasaabkii hore ee Hargeysa iyo Masuuliyiinta la xidhan oo la filayay in dacwadoodu maanta ka furanto Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa la sheegay in la filayo in dib loo dhigo, taas oo sabab looga dhigay inaan Maxkamadda gobolka Hargeysa weli soo gaadhin gal-dacwadoodkoodii ama eedaymaha loo haysto toona.

Sida uu Saxafi u xaqiijiyey mid ka mid ah Qareenada difaacaya masuuliyiintan lagu eedaynayo lunsiga raashin mucaawimo ah oo ilaa toddobaadkii hore rumaan ahaan ugu jira xabsiga weyn ee Hargeysa, ma jiro gal-dacwadeed ilaa hadda la soo gaadhsiiyay Maxkamadda gobolka Hargeysa iyadoo ay shalay ku ekayd toddobadii cisho ee ay maxkamadda gobolka Hargeysa ugu rumaan-garaysay masuuliyiintan in xabsiga dhexe lagu hayo inta dacwadooda la soo gaadhsiinayo Maxkamadda.

Ehelada masuuliyiinta xabsiga ku jirta ayaa hore xadhigooda ugu sheegay shirqool ay ka dambeeyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo, iyadoo aanay jirin wax raashin ah oo ay lunsadeen masuuliyiintani, sidaas darteed waxay tibaaxeen ehelada masuuliyiintani in la doonayo in loo maleego eedaymo xabsiga lagu sii hayo.

SomlegalAds

Dhinaca kale, madax-dhaqameedka iyo odayaasha beesha uu ka soo jeedo Badhasaabkii hore ee Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) ayaa kulan habeen hore la yeeshay Madaxwyenaha Somaliland Axmed Siillaanyo, kaas oo ay kaga wada hadleen xadhigga Badhasaabkii hore iyo masuuliyiinta kale iyo eedaha loo jeedinayo, iyadoo sida warar kulankaas ku saabsan oo laga helay ilo ku dhowdhow ay sheegeen in Madaxweyne Siillaanyo odayaashaas u sheegay inaanu waxba kala socon shirqoolka loo maleegay masuuliyiintan, balse uu Madaxweyne ku-xigeenku u soo gudbiyay dambiga loo haysto masuuliyiintan kadibna uu xil-ka-qaadista ku sameeyay, isagoo odayaasha u balanqaaday in Maxkamad la horgeyn doono, haddii dambigaas loo haysto lagu waayana uu dalacsiin kaga jawaabi doono.

Badhasaabkii hore ee Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi, Agaasimihii Guud ee Dib-u-dejinta, Axmed Cumar Barre iyo Lataliyihii Madaxweyne Ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac ayaa toddobaadkii hore bilowgiisii ay ciidamada bileysku xabsiga u taxaabeen iyagoo aan xil-ka-xayuubin lagu sameyn, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenka oo isla maalintii la xidhay shir jaraa’id qabtay uu ku eedeeyay inay lunsadeen raashin deeq ah oo loogu talo-galay dadka abaaruhu baro-kiciyeen, hase yeeshee ilaa hadda ma jirto wax eedeyn ah oo Maxkamadda loo gudbiyey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.