WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, July 16, 2018 (Saxafi) – Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa shalay Boorama ka furay barnaamij caafimaad oo ku saabsan deegaanadii duufaankii Sagar ku dhuftay ee Awdal.

Munaasabad lagu daah furayay barnaamijkan oo lagu qabtay Hotel Rays ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Gobolka Awdal iyo degmada Lughaya, masuuliyiinta Hay’adda caalamiga ah ee DANIDA ee dalka Denmark, iyo kuwa hay’adaha Samafalka ee Guryasamo iyo SHIFAD oo fadhigooduna kala yahay dalka Denmark iyo Caasimadda Hargeysa.

SomlegalAds

Ugu horreyna waxa halkaasi war bixin ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhashay duufaantii Sagar ka jeediyay Isuduwaha caafimaadka Gobolka Awdal, Guddiga taakuleynta iyo maamulka Gobolka Awdal waxayna dhammaantood ka marag kaceen isbeddelka caafimaad ee ku yimi dadka iyo duunyada ku noolaa deegaanada ay duufaanaddu ku dhufteen, iyagoo sheegay inay diiwaan galliyeen ku dhawaad 10800 qoys oo ay arrimahaasi saameeyeen, waxayna intaa ku dareen in loo baahan yahay dhakhaatiir takhasus gaar ah u leh cudurada qaar.

Madaxa Hay’adda Danida xafiiskeeda Somaliland ayaa dhinaca kale, iyaduna ka warrantay siday mar walba hay’addaasi gargaar dhaqaale iyo taakuleyn kaleba ula barbar taagan tahay dadweynaha Somaliland dhawr iyo tobankii sanadood ee dalka ay joogtay, iyadoo dhinaca kalena haweeneyda madaxda ka ah xafiiskaasi sheegtay inay ka qayb qaadan doonto barnaamijka ku saabsan gurmadka caafimaadka ee saddexda bilood ee soo socota loogu talo galay deegaanadaasi.

Madaxa ururka samafalka ee Guryasamo fadhigiisuna yahay dalka Norway Cali Mahad Faarax iyo madaxa ururka SHIFAD oo sheegay inay gurmadka iyo gargaarka dadka ku waxyeeloobay duufaantii ku dhufatay Somaliland ka wadeen dalka Norway ay haatan diyaar u yihiin inay barnaamijkan caafimaadka si wada jir ah ula fulin doonaan Wasaaradda caafimaadka, Hay’adda Danida, maamulka gobolka iyo guddia taakuleynta ee gobolka Awdal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.