WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 16, 2015 (Saxafi) – Wefti uu hogaaminayo wasiirka beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa shalay ka qayb galay munaasibad deegaano ka tirsan beeralayda Gabiley lagu gudoonsiinayey Cagaf gacmeed loogu talo galay in kor u qaadka wax soo saarka beeraha.

Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka beeruhu ee ka qayb galay munaasibada ay hay’adda ADRA ku gudoonsiinaysay Cagaf Gacmeedka beeralayda Gabiley ayaa waxa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Isuduwaha Gabiley ee Wasaaradda Beeraha Cabdirisaaq Sh. Muxumed Gaboobe, Guddoomiyaha Arabsiyo Cabdilaahi iyo masuuliyiin ka socday hay’adda ADRA.

Wasiirka Beeraha oo goobtaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu beeralayda ugu baaqay inay mashruucan lagu gudoonsiinayo Cagaf Gacmeedka ka faa’iidaystaan, isla markaana ka shaqeeyaan sidii loo gaadhi lahaa sugida cuntada.

SomlegalAds

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa hay’adda ADRA oo mashruuc ay ka waday shan deegaan oo ka mid ah Gobolkan Gabiley ku soo gabo gabaynaysa siinta ay beeralayda siinayso Cagaf Gacmeedkan oo haddii uu mashruucii ay ka waday shantan goobood dhamaaday ma dhammaan shaqooyinkii ay dalka ka qabanaysay waxaanan rajaynayaa inay sii wadi doonto shaqooyinka noocan oo kale ah”

WASIIRKA-BEERAHA-MAXAMED-AW-DAAHIRWasiirka oo beeralayda dardaaran u jeedinayaa waxa uu yidhi “Beeralaydana waxaan leeyahay fadhiga ka kaca oo yaynaan mucaawino sugin oo haddii la ina caawiyo ku fikira sidii aynu u gaadhi lahayn isku filnaansho cunto, sanad walba waxa biyo badda inagaga darsama waad aragteen waxaana loo baahan yahay inay biyahaasi qabsano oo Cagaf Gacmeedkan la idin siiyey aad uga faa’iidaysataan sidii aan biyo dhulka inooga halkii dibigana inoo gasho maadaama oo abaarihii soo noq noqday ay dhameeyeen dibidii loo adeegsan jiray qodaalka”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in sidii dibiga oo kale Cagaf gacmeedkan loo isticmaali doono loona baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Cagaf gacmeedkan waa in looga faa’iidaystaa sidii dibiga beeraha loogu qodan jiray oo kale, hay’addana waxaan codsanaynaa inay kordhiso tababarada ay beeralayda ka siinayso qalabka noocan oo kale, dadka beeralayda ahna waxaan leeyahay masuuliyad ayaa arintan idinka saaran ee waa inaad sidiisa uga soo baxdaan oo aad ku dedaashaan sidii wax soo saar muuqda looga soo saari lahaa”

Isuduwaha Gabiley ee Wasaaradda Beeraha Cabdirisaaq Sh. Muxumed Gaboobe iyo Guddoomiyaha Arabsiyo Cabdilaahi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in mashruucan uu ahaa mid ay ka faa’iidaysanayeen beeralayda shan deegaan oo hoos yimaada Gabiley, kuwaasi oo kala ah Ceelginiiseed, Agasmaha, Qudhaco, Hadhlay iyo Dalaada, Isla markaana waxay xuseen in mashruucani hay’addu fulinaysay isugu jiray Tababar beeralayda la siinayey, Xadhkaha beeraha oo beeralayda loo xidhayey, dhaqaale samayn loo fidinayey beeralayda, Dooxyo la xidhay iyo qaybtan oo ah qaybtii ugu dambaysay ee 10 Cagaf gacmeed oo la isku siinayey shantaasi deegaan si ay u kala qaybsadaan.

Madaxa mashruucan oo ka socday hay’adda ADRA oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu xusay in mashruucan looga dan lahaa kor u qaadida wax soo saarka Beeralayda deegaanadan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.