WorldRemitAds

Laascaanood, Somaliland, August 1, 2016 (Saxafi) – Beesha Maxamuud Garaad(Maxamuud Bari) oo dhawaan ay Xukumadda Somaliland shir ku wada yeesheen  magaalada Awr Boogays ee Gobolka Sool, ayaa si weyn uga cawday hannaanka ay diiwaan galinta codbixiyeyaasha Gudiga Doorashooyinka Qaranku uga bilaabayaan Gobolka Sool isla markaana Shuruud ku xidhay in gobolka Sool ay ka qabsoonto diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka soo socda ee u muddaysan in ay dalka Somaliland ka qabsoomaan 2017-ka.

Waxaanay farriimo culus oo ay ku muujinayaan cabashadooda iyo duruufaha ku gedaaman diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Gobolka Sool ay u kala direen Madaxweynaha Somaliland, Golayaasha qaranka ee Wakiiladda iyo Guurtida, gudiga Doorashooyinka qaranka, sadexda Xisbi qaran iyo Guddoomiyaha gobolka Sool.

Waxaanay caddeeyeen in aanay suurta gal ahayn in gobolka Sool in ay diiwaan galinta Codbixiyeyaashu ay ka qabsoonto illaa wax laga qabto cabashadooda.

SomlegalAds

Waxaanay sidaa ku sheegeen bayaan ay ka soo saareen magaalada ;Laascaanood ee  Xarunta Gobolka Sool.

Bayaanka Beeshu soo saartay oo uu ku saxeexnaa afhayeenka guurtida Beesha Maxamuud Bari Cabdinaasir Maxamed Cawil, ayaa u dhigaa sidan. “Anaga oo ah Golaha Guurtida beelaha Maxamuud bari, Injiinle iyo Kaskii-qabe, waxaanu Madaxda Sharafta leh ee warqadani ku socoto ku wargelinaynaa oo u soo gudbinaynaa, waxyaabaha aanu ka cabanayno rabnana in wax laga qabto.

Waan sidan hoos ku xusan:-

  1. Waxaanu ka cabanaynaa qaabka loo maamulay Diiwan gelinta gobolka Sool, haday tahay goobaha gudaha Degmada Laascaanood iyo Debedaba, iyada oo dhulkii ay beeshu degi jirtay aan wax goobo ahba la siin gude iyo debedba.
  2. Shaqaalaha diiwaan gelinta gobolka oo layska maamushay lana shaqaalaysiin dadkii Deegaanka u dhashay,
  3. Wacyi gelinta diiwaan gelinta oo aan soo gaadhin deegaankayaga oo ahayd laf dhabarta ugu weyn hawsha diiwaangelinta gobolka Sool ka socota. Sidaas awgeed, waxaanu codsanaynaa in wax laga qabto cabashooyinkaas, hadii kale waxaanu u arkaynaa in Guddiga doorashadu hortaagan yahay in soonahayag layska diiwan geliyo ama wax diiwan gelin ahi aanay ka dhicin.

4.Sidaa darteed, waxaanu Xukuumadda, Komishanka, goleyaasha qaranka iyo asxaabta qarankaba waxaanu ugu sheegaynaa isla markaana aanu faraynaa illaa cabasahdayada wax laga qabto oo  la dhameeyo in aan gobolka wax  hawl ah iyo diiwaan galin ah in aan laga samayn kari maadaama aanu nahay dad reer Somaliland ah oo in badan xuquuqdoodu maqnayd oo  doonaya in ay helaan waxa ay xaq u leeyihiin.

  1. Gudiga Doorashooyinka iyo Xukuumaddaba waxaanu faraynaa in ay gobolka keenaan guddi xaqiiqo raadin ah oo cabashadayada soo baadha oo soo xaqiijiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.