WorldRemitAds

Ruushka, ayaa sida wakaaladaha wararku sheegeen tijaabiyay, beyteriyo  cusub oo laga sameeyay, falaadho ama shucaaca nukliyeerka, gaar ahaana maaddada Nickel- 62 iyo Nickel – 63

Warbaahinta arrimaha tignoolajiga dunida iyo waxyaabaha ku cusub ikhtiraaca aadamiga ka waranta ee aduunka, ayaa baahiyay, guul iyo horumar wayn oo saynis yahanada Ruushku ka gaadheen, farsamada nukliyeerka salmiga ah, waxaanay muddooyinkii ugu danbeeyay ikhtiraaceen, waxyaabo badan oo laga farsameeyay Nukliyeer oo hab nabad gelyo loo isticmaali karo.

SomlegalAds

Waxyaabaha ay saynis yahanada Ruushku ikhtiraaceen waxa ka mid ah, sibidh nooc cusub ah oo loo isticmaalayo, biyo xidheenada, biriishyada iyo goobaha looga baqayo in ay biyaha iyo cadaadisku qaadaan.

Dhamaan qalabyada iyo maadooyinka kala duwan ee ay Saynis yahanada Ruushku ka sameeyeen nukliyeerka wax aka mid ah oo si wayn warbaahintu uga warantay, Beyteriyo  noocyadoodu kala duwan yihiin, oo iyaga laftooda laga sameeyay hadhaaga Nukliyeerka, kuwaas oo aad u tayo badan una ammaan fiican.

Saynis yahanada Jaamacada Tomsk Technological University oo ku taala degaanka Siberia ee dalka Ruushka, ayaa sida wakaaladaha wararku sheegeen tijaabiyay, beyteriyo  cusub oo laga sameeyay, falaadho ama shucaaca nukliyeerka, gaar ahaana maaddada Nickel- 62 iyo Nickel – 63, kuwaas oo laga farsameeyo korontada nukliyeerka laga dhaliyo.

Maadooyinkan loo adeegsado dab dhalinta salmiga ah ee Nukliyeerka ayaa khubarada Ruushku ku guulaysteen, in ay beyteriyo  kala duwan oo kuwa rikoodhada, tooshashka, telefoonada iyo kuwa gaadiidka isugu jira, kuwaas oo awood u leh in kontonkii sanadoodba hal mar la buuxiyo ama haddii si kale loo dhigo shaqayn karaya konton sanadood iyagoo aan u baahanayn in la buuxiyo.

Ruushka ayaa sida warbaahintu sheegtay wada tayayn uu ku samaynayo adeegsiga nukliyeerka oo uu dalkiisu yahay kan ugu horeeya adeegsigeeda, waxaana beyteriyo  iyo daamur iyo waliba sibidh laga sameeyay hadhaaga nukliyeerku ay noqon doonaan kuwo wax wayn ka badali doona dunida.

Khabiirka waaxda tayaynta iyo kala sifaynta Nukliyeerka u qaabilsan dawlada Ruushka,  Pyotr Gavrilov oo warbaahinta uga waramay baytariyadan, ayaa sheegay in ay wali wadaan horumarintooda, kuna talo jiraan, in ay heerar kala duwan u kala saaraan, oo wakhtiga ay shaqaynayaan, u kala farsameeyaan, sanad, afar sanadood, shan sanadood iyo dhawr bilood.

Khabiirkan ayaa sheegay in baytari konton sanadood shaqaynaya ugu wayn yahay, mid lix bilood isagoo aan la buuxin shaqaynayaana ugu yar yahay, 2016 ka ilaa 2017 ka, ay suuq gelin doonaan oo iibsigooda ay bilaabi doonaan.

Ugu danbayntii khabiirani sheegay in sababta ay khubarada Ruushku u ikhtiraaceen baytariyadan ay ka dhalatay, baahida dunidu u qabto beyteriyo  muddo dheer shaqaynaya oo dabkoodu u buuxayo, lagagana maarmi karo, buuxintooda. Waxaanu sheegay in qiimahoodu qaali noqon doono, laakiin tayadoodu mid la hubo tahay, mar la waydiiyay baytari toban sanadood aanu dabkiisu dhaamaanayn inta uu qiimihiisu noqonayo ayuu yidhi, Ilaa afar kun oo dollar ayaan rejaynayaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.