WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 30, 2015 (Saxafi) – Ciidanka Bileyska Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa la sheegeyaa inay shalay gelinkii dambe hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada ku soo qabteen xubno ka tirsan Qurba-joogga reer Awdal ee lagu tuhunsan yahay inay taageero siiyaan Maleeshiyada dagaalka kula jirta Somaliland ee hoos timaadda Suldaan Wabar.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, waxay wararku sheegeyaan in ay ciidanka Bileyska Boorama gacanta ku soo dhigeen laba ilaa saddex ka mid ah qurbajooggaa reer Awdal markii ay hareereeyeen guri ay ku jireen oo ku yaal koonfurta magaalada Boorama.

Ma jiraan wax hadal oo ka soo baxay ciidanka amniga ama masuulyiinta gobolka Awdal oo ku saabsan hawlgaladan, hase yeeshee dad ku dhaw ragga la qabtay ayaa sheegay in nimankaasi loo soo qaaday dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana aanay ogeyn in nimankaasi loo qabsaday arrimo kale iyo in loo qabsaday taageerada Suldaan Wabar.

SomlegalAds

Sida warku sheegeyo raggan ayaa waxa ku ku jira niman iyagu kulammo dhaqaale loogu ururinayo Maleeshiyada Wabar debedaha ku qabtay isla markaana qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee internet-ka ku baahiyey taageerada ay u hayaan jabhaddiisa.

Qabashada nimankan ayaa ku soo beegmaysa wakhti qurbajoogga u dhashay dalka Somaliland ku soo qulqulayaan degaanadii ay u dhasheen, waxana jiray walaac ay qurbajoogga reer Awdal ka qabeen in qaar ka mid ah loo qabsado taageerada niyadda ah iyo tan dhaqaale ee ay siiyaan Suldaan Wabar iyo maleeshiyaadiisa marka ay dalka yimaadaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.