WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 28, 2018 (Saxafi) – Maalmihii u dambeeyay waxaa soo ifbaxaya bilowga dagaalka ganacsiga Qaadka oo u dhexeeyay dalalka Ethiopia iyo Kenya, kaas oo suuqa ay ku dagaalamayaan uu yahay Somaliland, iyadoo dalka Ethiopia boqolaal milyan oo dollar bil walba ka soo galaan Qaadka ay u iib keenaan Somaliland, halka dalka Kenya muddooyinkii u dambeeyay isku dayayo inuu suuq uga helo qaadka dalkiisa ka baxay suuqyadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay ka jawaabtey hadal shalay ka soo yeedhay madaxweynaha Qoomiyada Oromada dalka Itoobiya Mr Lemma Megersa.

SomlegalAds

Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Liiban Yuusuf Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay cid kasta oo xidhiidh ganacsi la yeelanaysa

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu isna sheegay in ay soo dhaweynayaan dawlada Kenya oo iyaduna dooneysa inay xidhiidh ganacsi la yeelato Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa ka hadlay dhibaato uu qaadku ku hayo bulshada maamulkaasi.

Bilowga Dagaalka Ganacsiga Qaadka Ee Ethiopia Iyo KenyaMadaxweyne Lemma Megersa oo khudbad u jeedinayey oday dhaqameedka, masuuliyiinta iyo maamulka Oromia ayaa shaaciyey muhiimada looga baahan yahay dawlada Itoobiya inay siiso wadamada loo dhoofiyo qaadka ka soo go’a beeraha maamulka Oromia.

Madaxweynaha maamulka Oromia ee dalka Itoobiya Lemma Megersa ayaa sheegay inay doonayaan xidhiidh toos ah oo dhinaca ganacsiga qaadka ah oo dhex mara Somaliland, isaga oo meel adag iska taagay qorshaha ay dawlada Kenya ku doonayso inay qaadkeeda suuq uga raadiso wadanka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Oramia ee dalka Itoobiya Lemma Megersa ayaa meesha  ka saaray hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirka ganacsiga dalka Kenya kaas oo daarnaa inay Kenya doonayso in qaadka Miirooga loo soo dhoofiyo Somaliland, waxaanu xusay inaanay marna ogolaanayn tartan ay Kenya kula gasho suuqa qaadka ee Somaliland.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Lemma Megersa ayaa  sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay ku casuumi doonaan dalka Itoobiya si ay uga wada hadlaan xoojinta xidhiidhka ganacsiga qaadka ee labada dal u dhaxaysa, waxaanu madaxweynaha Oromia doonayaa inay Somaliland si toos ah ugu soo dhoofiyaan qaadka.

Hadalkan ka soo yeedhay madaxweynaha maamulka Oromia ee dalka Itoobiya ayaa jawaab u noqonaya dhawaaqii wasiirka ganacsiga dalka Kenya, iyada oo Somaliland u muuqata inay noqotay dal hoy u ah qaadka isla markaana si adag loogu tartamo suuqa ka banaan qaadka.

Dhinaca kale waxaan muuqaan qorshe uga yaala dawlada iyo shacabka Somaliland qaadka faraha badan ee ay haatan Itoobiya ay keento, ka ay qorshaynayso iyo qaadka la doonayo in laga keeno dalka Kenya.

Xukuumada  Somaliland ayaan wali dhinaceeda ka hadal tartanka ay labadan wadan ugu jiraan suuqyada qaadka ee ka jira Somaliland, marka laga reebo safiirka Somaliland ee dalka Kenya Baasha Cawil oo sheegay in wasiirka ganacsiga Kenya ay ka wada hadleen xidhiidh ganacsi oo dhex mara Nairobi Iyo Hargeysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.