WorldRemitAds

Bisad ku nool dalka Maraykanka ayaa caan ka noqotay dunida Internet-ka, ka dib markii maxkamada California ay lacag boqolaal kun oo dollar ah u xukuntay, oo mag dhow ahaan looga qaaday shirkad ganacsi oo si khaldan sawirka bisadan u isticmaashay.

Sida wakaaladaha wararka aduunka aduunku ku warameen bisadan ayaa shirkad ganacsi oo iibisa ama soo saarta cabitaanadu ay sanadkii 2012-kii ay heshiis mulkiilaha bisadan, kula gashay inay isticmaalaan sawirka bisadan, kana dhigato sawirka ay ku dhejinayso mid ka mid ah cabitaanadeeda gaar ah ee ay soo saarto.

Hasa yeeshee shirkadan ayaa muddo ka dib ku xad gudubtay heshiiskii oo marii danbe ku dhejisatay qaar kale oo ka mid ah, wax soo saarkeeda gaar ah, kaas oo ka cadhaysiiyay mulkiilaha leh bisadan oo ka dib dacweeyay shirkada taas oo sababtay in dacwad dheer ka dib lagu rido xukun mag dhow ah oo shirkadaas ka dhan ah.

SomlegalAds

Shirkadan ayaa la saaray ganaax lacageed oo dhan $700,000 (Toddoba boqol oo kun oo doollar), taas oo ay qaadanayso mulkiilaheeda Tabatha Bundesen oo ku nool degaanka Morristown ee gobolka Arizona, waxaanay ku guulaystay in bisadan oo ku magac dheer Grumpy Cat ay noqoto mid caan baxda oo dunida oo dhan laga wada barto.

Shirkada ayaa lagu eedeeyay inay ka baxday heshiiskii ay la gashay mulkiilaha bisadan taas oo sababtay in lagu helo xad gudub ka dhan ah heshiiska, hasa yeeshee ay gaadhay in xukun kaga dhaco.

Shirkada ayaa lagu xukumay inay bixiso lacag  dhan todoba boqol oo kun oo dollar, taas oo ay helayso ama loo xukumay bisadan Grumpy Cat lagu magacaabo, waxaanu xukunkani ka dhigaya bisadan tii mag dhowgii ugu sareeyay looga xukumo shirkad ganacsi oo ku xad gudubtay heshiiskii ganacsi ee laga gaadhay qadiyadeeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.