WorldRemitAds

Akhriste Sheekada xayawaano lacag, guryo, gaadiid iyo hanti kala duwan ka dhaxlay dadkii rabaysan jiray, maaha mid ugub ku ah dalka Maraykanka, waxaana marar kala duwan dhacday in xayawaano kuwa dab joogta loo yaqaano ee aadamigu rabaysto ahi ay hanti badan ka dhaxleen dad waayeel ah oo rabaysan jiray.

Haddii aynu u soo noqono sheekada qormadeenan aynu ku soo qaadan doono maanta oo iyada lafteedu, la xidhiidha bisado dhaxal buuran helay oo qofkii rabaysan jiray ku dardaarmay, ayaa ah mid ku saabsan, laba bisadood oo midna dhedig (bisad) tahay ka kalana Lab (Curi) yahay.

Sida ay badi wargeysyada ka soo baxa dalka Maraykanku ku warameen, labadan bisadood oo ku nool magaalada New York ayaa haweeyany waayeel ah oo rabaysan jiray ka dhaxlay, lacag sadex boqol oo kun oo dollarka Maraykanka ah iyo hanti kale oo aad u buuran.

SomlegalAds
Cuntada la siin doono Labada Bisadood

Labadan bisadood oo lagu kala magacaabo, “Troy iyo Tiger” waxay dhaxal u heleen Guri wayn oo fiilo ah iyo 300,000 US dollars ah, taas oo loogu shubay khasnada dawlada inta noloshooda ka hadhayna ay ka raaxaysan doonaan sida warbaahinta Maraykanku ku warantay.

Labadan bisadood ayaa maalin walba heli doona, hilib daray ah, kaluun noocyo kala duwan ah, oo waliba sidii bada lagaga soo saaray loogu keeni doono, waxa suura gal ah in mararka qaarkood loo soo iibsho kaluunada aadka u yar yar ee webiyada iyo harooyinka laga soo saaro.

Bisadahani xiliga qaboobaha waxay heli doonaan bustayaal demis ah iyo dhar aad u raaxo badan oo ay ku seexdaan, waxaana habeen iyo maalin caafimaadkooda ka shaqayn doona dhakhtar u gaar ah oo ku takhakhusay caafimaadka xoolaha.

Haweenaydii lahayd labadan bisadood oo lagu magacaabi jiray Ellen Frey-Wouter, oo ahayd qoraa iyo shaqaale horena uga ahayd Qaramada Midoobay, ayaa siddeed iyo siddeetan jir ku dhimatay maalmo ka hor, waxaanay ku dardaarantay in hantideeda marka cashuurta dawlada laga bixiyo baaqiga soo hadhay loo kala qaybiyo bisadaheedan iyo qof u shaqayn jiray.

Waxaanay labadan bisadood siisay oo ay ka dhaxleen gurigii ay deganayd oo ku fadhiyaa dhul qiyaastiisu tahay 4270-square-foot iyo 300,000 US dollars.

Goobta ay ku seexan doonaan

Haweenaydan ayaa dhaxalka hantideeda uga dhaaratay shan carruur ah oo ay dhashay iyo wixii ay sii dhaleen ee ay Eyeeyada u ahayd, waxaanay go’aansatay inay dhaxalkeeda u kala qaybiso labadeedi bisadood ee la noolaan jiray sanadihii ugu danbeeyay nolosheeda.

Sanadkan bilowgiisi ayay ahayd markii haweenay waayeel ah oo sagaashan jir ku dhimatay ay labo bisadood oo ay lahayd, ka dhaxleen ilaa sadex milyan oo dollar, haweenaydaas oo ku noolaan jirtay degaanka Tennessee, ayaa ka hor intaanay dhiman dhaxalkeedi oo dhan ku qortay labadeedi bisadood ee lagu kala magacaabi jiray, “Frisco iyo Jake” kuwaas oo noqday bisadihii ugu qanisanaa Maraykanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.