WorldRemitAds

Gobolada koonfureed ee dalka Maraykanka oo abaaro is dabo joog ahi ka taagnaayeen, sanadihii ugu danbeeyay ayaa maamulka gobolka California uu dadka ku dhaqan gobolkaas, u diray fariin uu kaga codsanayo inay cabaan biyaha bulaacadaha iyo suuliyada laga soo saaray.

Muddo shan sanadood ah ayaa waxa gobolka California ka socday, olole wacyi gelin ah oo dadka lagaga dhaadhicinayo inay sida biyaha dabiiciga ah oo kale ay u cabi karaan, biyaha laga sifeeyay bulaacadaha ee magaalooyinka waaweyn.

article-doc-5h33r-EoW4d1X9z6ee5ea754b357e81d3-815_634x430Warshado u gaar ah sifaynta bulaacadaha iyo musqulaha ayaa laga sameeyay degaanadaas, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin biyo boqolkiiba boqol nadiif ah, biyahan ayaa dadka la tusa baadhitaano lagu sameeyay, waxa kale oo telefishanada laga baahiyaa muuqaalka madax iyo dad caan ah oo cabaya biyo laga sifeeyay bulaacadaha.

SomlegalAds

Dedaal kasta oo maamulku sameeyay si uu dadka ugu qanciyo inay cabaan biyaha bulaacadaha laga sifeeyay, haddana may dhicin in dadku qaato, waxaanu qof kasta oo la waydiiya uu sheegay inuu ka wis wisayo, cabistooda oo kaadi ama sidii qof bulaacad ka cabay uu moodayo.

Dhinaca kale waxa is maan dhaaf wayni ka taagan yahay, heerka ay gaadhsiisan tahay cabsida biyo yaraanta ee maamulku ku doodayo, sida dad badan oo qorshan dhaliilsan iyo kuwa ka biyo diidsan labaduba ku doodayaan in laga badbadiyay oo aan biyo yaraantu gaadhsiisnay heerka la gaadhsiiyay.

article-docMid ka mid ah aqoon yahanada ugu caansan gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa isagoo ka hadlaya biyaha laga sifeeyay bulaacadaha ee maamulku dadka ka codsaday inay isticmaalaan, waxa uu yidhi, “Iima muuqato in ay jirto cabsi gaadhsiisan heerka uu maamulku sheegay ee biyo abaarka, mana muuqato xiligan sabab aynu u cabno biyo laga sifeeyay bulaacado iyo suuliyo, laakiin waxa haboon in marka hore ay beeraha iyo dhismaha loo isticmaalo.”

Aqoon yahankan ayaa diidmada dadweynaha ka garaabay, waxaanu qorshaha bulaacadaha biyahooda lagu sifaynayo uu ku tilmaamay, mid dhaqanka quman ee aadamiga ka soo hor jeeda, akhlaaq ahaana aan waafaqsanayn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.