WorldRemitAds

News York, Maraykanka, November 20, 2015 (Saxafi) – Kooxda Boko Haram ayaa la sheegay inay noqotay kooxda ugu dilka badan caalamka marka loo eego kooxaha faraha badan ee jira oo ay ku jirto kooxda Daacish.

Warbixintaan oo cinwaan looga dhigay ‘Tusaha argagixisada Dunida’ ayaa lagu sheegay in 30% dilalka la xidhiidha qalalaasaha Boko Haram ay kordheen tan iyo sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka.

Sidoo kale, warbixintan oo uu soo saaray machadka dhaqaalaha iyo nabadda ee fadhigiisu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa muujinaysa in tan iyo waqtigaas ay weerarrada ay kordheen, iyadoo khasaaraha xooggiisa uu u badan yahay dalalka Ciraaq, Nigeria, Afgaanistaan, Bakistaan iyo Suuriya.

SomlegalAds

boko_haramWarbixinta ayaa sheegaysa in kooxda dowladda Islaamiga ah ee ISIS iyo kuwa la midka ah ay mas’uul ka yihiin kala badh dhismashada la xidhiidha argagaxisnimada ee ka dhacay daafaha dunida.

Dalka ugu daran ayaa la sheegay inay tahay Ciraaq, iyadoo waddanka Nigeria uu noqday isaguna dal ay kusoo barteen dhaq-dhaqaaqyada argagaxisnimo sannadkii 2014-kii ee lasoo dhaafay.

Kooxda Boko Haram oo sidoo kale loo yaqaanno Laanta Galbeedka Afrika ee Daacish ayaa fulisay kala badh 20-weerar ee u xumaa sannadkii hore ee caalamka oo dhan, waxaana ka mid ahaa weerar ka dhacay magaalada Gamboru Ngala ee dalka Nigeria.

Magaaladaas ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 300 oo qof, sidoo kale waxaa lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, iyadoo magaaladaas inteeda badanna lagu bur-buriyay weerarro.

Liiskan ayaa waxaa qaybaha sare kaga jira qulqulatooyinkii ka dhacey Koonfurta Suudaan, iyadoo fallaagadu ay dileen dad tiro badan; kuwaasoo masjid ku yaalla magaalada Bentiu gabbaad ka dhiganayay.

Dalalka ay ka dhaceen falalka argagaxisnimo ee ugu xumaaa, sidoo kale waxaa ka dhacay barakacyadii ugu badnaa; taasoo tilmaamaysa inay si xoog leh isugu xidhan yihiin weerarada noocaas ah iyo qulqulka qoxootiga.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu xusay in waxyaabaha argagaxisnimada ay ka dhashaan ay ku kala duwan yihiin dalalka horumaray iyo kuwa uu yar yahay horumarkoodu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.