WorldRemitAds

Ciidamada booliska Ingiiriska gaar ahaan, kuwooda ka hawl gala caasimadda dalkaas ee London ayaa direyskooda lagu tolay kamarado, kuwaas oo lagu qiyaasay tirada kamaradaha booliska lagu rakibay ilaa labaatan kun oo kamaradood, kuwaas oo si buuxda u duubaya dhamaan dhacdooyinka ay ka hawl galayaan iyo wax kasta oo ay qabanayaan.

Xadigan oo noqonaya kii ugu balaadhnaa ee mar kaliya lagu qalabeeyo ciidan boolis oo caasimad kaliya dunida ah, ayaa sida loo malaynayo ka dhashay, culayska sii kordhaya dunida ee soo waajahaya booliska iyo dadka ka hawl gala arrimaha ammaanka ee aduunka, kuwaas oo eedo badan loogu jeedinayo in ay si khaldan awoodooda sharci u adeegsadaan, isla markaana dad badan oo aan wax danbi ah lahayn ay si fudud u geliyaan ama ugu sameeyaan danbi.

SomlegalAds

Sida muuqata booliska Ingiriiska oo isagu ka mid ah kuwa ugu xidhiidhka wanaagsan dadwaynaha ayaa ka sii hor dhacaya, in sumcad xumada hadhaysay, dhigooda Maraykanka oo heerkii ugu hooseeyay kalsoonidoodu marayso ay iska sii moosaan.

Talaabadan ayaa saraakiil iyo khubaro ka tirsan booliska London, ku tilmaameen, mid dib loogu dhisayo kalsoonida iyo saaxiibtinimada Booliska iyo bulshada.

Sida uu warbaahinta u sheegay Bernard Hogan, oo muddo dheer ka tirsanaan jiray taliska guud ee booliska London, waxa ay tani ka dhigan tahay, tayaysiintii ugu saraysay ee boolisku gaadho, waxaanay ka dhigan tahay, sidii oo askari walba ficilka dhacaya iyo hawl galkooda uu dhiniciisa ka duubayo, taas oo fududayn doonta in dhamaan wixii goobta ka dhacay la wada helo si buuxdana looga bogan karo.

Khubarada booliska Ingiriiska oo ka faalooday dedaalkan dheeraadka ah ee boolisku sameeyay, ayaa rejo badan ka muujiyay, sida kamaradahan casriga ah isla markaana tayadoodu aadka u saraysaa, wax badan ugu fududayn doonaa shaqada ciidamada booliska, marag ama markhaatina uga noqon doonaan sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kalsoonida bulshada iyo booliska u dhaxaysa ayay wax badan ka badali doonaan, sababtoo ah? Ciidamada gashan kamaradahan waxa dhamaan hawl galadooda si buuxda looga daalacan karayaa xarun kamaraduhu ku wada duubayaan, wixii ay qabtaan, taas oo aanay askartu wax ka badan ku samayn Karin.

Eedaymo badan oo loo jeedin jiray booliska gaar ahaan marka laga hadlayo, sida ay dadka wax u waydiiyaan iyo qaabka ay guryaha u baadhaan ama goobaha eedaysanayaasha lagu tuhmayo uga hawl galaan, ayaa la filayaa in kamaradahani ay wax wayn ka badali doonaan.

Sida khabiirkan warbaahinta ka warsatay faa’iidada ka soo kordhi karta kamaradahani uu sheegay, waxa ay baadhayaasha iyo hawl wadeenada mid walba u fududaynaysaa in ay helaan xogo xasaasi ah oo ay markii hore adkaan jirtay sida wax looga ogaado ama haddii wax ka khaldamaan loo sixi karaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.