WorldRemitAds

Waa markii iigu horeysay ee aan gudaha u galo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Fikirka aan ka haystay baaxadda magaaladu wuu ka duwan yahay kan dhabta ah.

Muddo laba saac ka badan ayay nagu qaadatay in gees ka gees aan Hargeysa baabuur ku soo marno.

Xaafado dhowr ah oo cusub ayaad ku arkaysaa Filooyin aad u qurux badan ayaa qaybo badan ka dhisan. inkastoo daaraha filooyinka ah ee cusub qaarkood Qurba-joogtu dhisteen si xilliga fasaxyada ay ugu soo dalxiis tagaan, ayaa la ii sheegay.

SomlegalAds

Xaafadaha qaar Ugaadh ayaa ku nool. Qaybo ka mid ah magaaladu waxay xaafaduhu ku tiirsan yihiin biyo ay booyado u soo dhaamiyaan, waxaase la ii sheegay in ay jiraan qorshayaal ay xukuumaddu waddo oo la damacsan tahay in sanadaha soo socda looga gudbo biyo yaraanta xaafadaha qaar.

KorontoInkastoo xiisad siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay xisbiga Kulmiye ee talada haya, oo ku muransan cidda loo xulanayo in uu tartanka Madaxweynenimada u matalo xisbiga si doorashada Somaliland uu ugula tartamo xisbiyada kale tartanka Madaxweynenimada, Hadana amniga Hargeysa aad ayuu u sugan yahay, oo wax walwal ah lagama qabo xasiloon daro.

Ma arkaysid hub lala marayo ama taagan yahay waddooyinka, marka laga reebo maalintii xuska maalinta booliska iyo marar kooban oo aan la kulmay booliska oo baabuurta ku baadhaya waqtiyada habeenkii Baro koontarool oo si kedis ah ay uga sameeyaan goobaha qaar, Waa tallaabooyin joogto ah oo amniga lagu sugayo ayaa la ii sheegay.

Inta gelinka hore ah, ayay shaqadu badan tahay, duhurkii qoraxdu way kulushahay oo cadceedda lama xamilo karo, ganacsiyadase siiba suuqyada magaalada habeenkii ayay dadku ku badan yihiin. Waxaan is idhi suuqyada habeenkii furan, waxay kala mid tahay magaalooyin Carbeed oo aan horay u soo maray sida Dubai iyo Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Hargeysa waxaan u tagay todobaad aan tababar bixinayo, waxaanse is idhi, todobaad kuguma filnee tolow todobaad kale ma ku darsataa?

Cabdiraxmaan Koronto

Tifaftiraha BBC Somali

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.