WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 26, 2015 (Saxafi) – Dad shicib ah oo aaminsan in dawladii Kulmiye dhacday kaddib shirweynihii xisbiga Kulmiye ayaa boob ugu dhaqaaqay qaar ka mid ah dhismayaashii iyo dhulkii danta Guud, iyadoo dhinaca kalena dad naafo ah xoog lagaga saaray dhismayaal dawladeed oo hoy u ahaa ilaa markii dalka loogu soo laabtay.

Dhismayaasha jidadka lagu soo durkiyeySida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, Boobka dhulkan oo la bilaabmay khilaafkii dawladda iyo xisbiga ku soo kala dhex maray shirweynihii Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylci loogu doortay musharraxiinta xisbigaasi ee mansabyada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, wakhtigaas oo ay dawladda ka baxeen qaar ka mid ah masuulyiin miisaan lahaa. In kastoo badhsaabka gobolku dagaal kula jiray kooxaha ku mamay dhulka danta Guud iyo dhismayaasha dawladda, hase yeeshee ka maqnaanshihiisa gobolka geeri ku timi eheladiisa awgeed ayay arrintani faraha ka sii baxday.

Dhismayaasha BileyskaDhismayaasha dawladda ee haatan lala maagganyahay ama la bilaabay in la dhisto ayaa waxa ka mid ah dhisme hoos yimaadda wasaaradda dhirta iyo deegaanka, guryihii ama liinkii Booliska oo dhammaantood ka hadhay dawladii Ingiriiska, dhismayaasha bacadlihii hore ee galbeedka magaalada Boorama oo hoos yimaadda Dawladda hoose ee Boorama oo dad shicib ah lagu wareejiyey, wadooyin ardaydu ka soo galaan dugsiyadda oo la xidhay iyo dhismayaal ama deyrar kale oo lagu soo durkiyey jidadka halbawlaha ah iyo goobo kaleba.

SomlegalAds

Masuul ka tirsan golahaasi oo ah maayar xigeenka Boorama Ileeye iyo Dhismayaasha DawladdaXoghayaha Dowlada Hoose ayaa Wariyaha Saxafi ee Awdal Maxamed Cumar u sheegay inay joojiyeen dhismayaashaasi, hase ahaatee  hadalkoodaasi uma eka sida xogtu tilmaantay mid baajinaya dhismayaashaasi, maadaama agabkii lagu dhisayayba garab yaallo, waxaana loo arkaa in qaar ka mid xildhibaanno golahaasi, farsamo-yaqaanno iyo shaqaale kalena lug ku leeyihiin xaraashka dhulkaasi.

Dhawaan uun bay ahayd markii Badhasaabka gobolka Ramaax, oo kaashanaya Golaha deegaanka Boorama ay dad naafo ah bannaanka ka dhigeen dhismihii hore ee wasaaradda Maaliyadda, kaasoo haatan wasaaradda maaliyaddu gacanta ku hayso dhismahaas, halka naafadaasina loo sheegay in guryo laga siin doono mashruuca boqolka guri loogu dhisayo danyarta.

Ugu dambayntiina boobka dhulka danta guud wuu sii socon doonaa haddii aanay xukuumaddu dadkaasi u sheegin in weli nidaamkii dawladdu shaqaynayo iyo in aan shirweynihii Kulmiye qarannimada waxba u dhimin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.