WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, July 7, 2015, (Saxafi) – Koox ka mid ah maleeshiyadda ka amar qaadata Suldaan Wabar ayaa la sheegay inay soo gaadheen Boorama ee xarunta gobolka Awdal kaddib markii ay kasoo goosteen jabhad suldaankaasi ku urursaday soohdinta Somaliland la wadaagto Itoobiya.

Sida warku sheegeyo ku dhawaad 11 ka mid ah maleeshiyaddaasi ayaa Boorama ka soo galay dhinaca galbeedka, ka dib markii ciiddamada qaranka ee ku sugan aagga hore lagu wargaliyey inay jidka u banneeyaan, iyaddoo ay halkaas gaadheen saraakiil ka socotay ciidamada amniga iyo maamulka gobolku.

SomlegalAds

In kastoo aan saxaafadda loo soo bandhigin maleeshiyo beeleedkan, hase yeeshee waxay wararku intaa ku darayaan in nimankani ka tirsanyihiin jufooyin ka mid ah beelaha uu Suldaanka u yahay Wabar ee muddo Lix bilood ka badannaa ka mid ahaa xoogagga uu Wabar ugu talo-galay inay dagaal ku soo qaadaan Somaliland iyo Boorama.

Maaha markii ugu horreysay ee cutubyo ka mid ah maleeshiyada Wabar ka soo goosteen jabhaddiisa, balse waa markii saddexaad ee tiro intan ka badani ka soo goosteen,lamana oga waxay xukuumaddu ka yeeli doonto xoogaggan ka soo goosanaya Suldaan Wabar, in kastoo tiro ka mid ah xoogaggii hore u soo goostay kana mid ahaan jiray ciidamada dawladda dib loogu daray ciidamada amniga,  balse aan la ogeyn meesha ay ku dambeeyeen kuwii shicibka ahaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.