WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, September 20, 2016, (Saxafi) – Qaar ka mid ah saamilaydii TV-ga Rayo kana hawlgala magaalada Boorama ayaa saxaafadda u soo bandhigay caddaymo muujinaya sababta loo xidhay mulkiilihii ama maamulihii Tv-gaasi, kuwaasoo dhinaca kale sheegay inaan xadhigga mulkiilahaasi wax xidhiidh ah la lahayn siyaasad sida dadka qaar ku doodayaan.

Yuusuf Cabdi Cali oo loo yaqaan Indho-qurux oo Boorama kula hadlay qaybo ka mid ah saxaafadda maxalliga ah ayaa ku sheegay in 18-kii bishii November ee 2015-kii uu heshiis ku saabsan in Mulkiilaha Rayo loo qabtay muddo afar bilood ah oo ka bilaabanta maalintaasi uu u celiyo saamigii uu ku lahaa Tv-gaasi heshiisna ay ku kala qorteen nootaayada sharciga ah, hase ahaatee ilaa maanta aanu heshiiskaasi waxba ka fulin lacagta laga doonayeyna ay ahayd 2500 oo Doolar (laba kun iyo shan boqol oo Doolar}.

Yuusuf ayaa intaa ku daray in sababta hawada looga saaray TV-gaasi ay lug ku leeyihiin shaqaalaha Tv-gaasi si loo abuuro xiisad siyaasadeed, shacbigana loo kiciyo, balse aanay isaga iyo xukuumaddu toona wax shaqo ah ku lahayn joojinta barnaamijyada Tvga.

SomlegalAds

Hadalka xubintan ka mid ahayd saamileydii TV ga Rayo ayaa ka dambeeyay kaambayn siyaasadeed oo qaybo ka mid ah dadweynaha Boorama ku doonayeen inay shaarica cabasho kaga muujiyaan xadhigga Tv-ga iyo mulkiilihiisaba balse aanay ku guuleysan.

caddeyn

caddeyn1

caddeyn2

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.