WorldRemitAds

Hargaysa, Somaliland, March 04, 2018 (Saxafi) – Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID ayaa War-murtiyeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in jamhuuriyadda madaxa-bannaan ee Somaliland ay ku guulaysatay mid ka mida Qorshayaasheeddii ugu muhiimsannaa, kaas oo ay ku tilmaameen inay si toos ah ula Macaamisho dalalka Caalamka.

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu sheegay in hadalkii Ra’iisal-wasaarre Kheyrre uu muujinnaayo Caddaawadda iyo Naxliga Xukuumadda itaalka yar ee Muqdisho, waxaannay sheegeen in hadalka Mr. Kheyrre uu Ka soo horjeeddo Qaddiyadda madax-bannaanida jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo u sheegay inaan jaannis dilaalnimo uga bannaanayn heshiisyadda Horumarrinneed ee ay Xukuumadda Somaliland  galayso.

Warsaxaafaddeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu u dhignaa sidan “Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka UCID, Waxaa uu soo dhawaynayaa heshiiskii saddex geesood-ka ahaa ee 1-dii March 2018-ka, ku dhex maray Dalka Imaaraadka Carabta, Wadamada Somaliland, Ethopia iyo shirkadda DP World.

SomlegalAds

Xisbiga UCID Waxa uu heshiiskaasi u arkaa Guul-taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka Reer Somaliland.

Heshiiskan ayaa noqday mid ay Somaliland ku gaadhay hamigeedi ahaa in ay dunida si toos ah ula macaamisho, sidoo kalena waxaa uu heshiiskani muujiyay in ay somaliland tahay qaran la isku halayn-karo amaankiisa iyo shuruucdiisaba, galina-kara heshiisyo waa-waayn oo masiiri ah.

Haddaba, Heshiiskani waxaa uu bar-bilaw fiican u yahay in shacabka reer Somaliland ka faa’idaystaan khayraad-kooda dabiiciga ah iyo mawqica istaaraatijiga ah ee uu ilaahay dhigay.

Sidoo kalena Heshiiskani waxaa uu sahlayaa in dekedda Caalamiga ah ee Berbera ay si fudud ugu adeegi karto Dalka ay dadka badani ku nool-yihiin ee Ethopia iyo wadamadda kale ee aan badaha lahayn ee Africa.

Xisbiga UCID waxa  uu cambaaraynayaa hadalkii shalay ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha Somalia ee ku aaddanaa heshiiska Dekedda Berbera. Xisbiga UCID waxaa uu arkaa Hadalka Raysal Wasaaraha in uu ka soo hor jeedo jiritaanka iyo madax-banaanida Somaliland, sidoo kalena waxa uu si toos ah uga  hor  imanaya heshiisyadii ay hore u kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Somalia.

Sidoo kale Hadalka Raysal Wasaaraha Somalia, waxaa uu muujinayaa Cadaawada ay xukuumadda Muqdisho ay u qabto shacabka Reer Somaliland, iyo sida ay uga soo hor jeedo horumar kasta oo ay Somaliland Gaadho .

Waxa aanu Raysal Wasaaraha Somalia u cadaynaynaa in aanu Jaanis Dilaalnimo uga banaanayn Heshiis-yada Horumarineed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland la galayso Beesha Caalamka, sidoo kalena Waxaanu xasuusinaynaa Raysal Wasaaraha in Maamul-ka Puntland ee Somalia uu heshiis aanay Xukuumadiisu waxba ka ogayn uu la galay Shirkadda P&O Ports, Wax talaabo ahna aanay xukuumadiisu ka qaadin .

Ugu dambayn Xisbiga UCID waxa uu shacabka Reer Somaliland ku boorinayaa in ay midnimada iyo wada jir-ka iyo horumarka dalkooda meel uga soo wada jeestaan wakhtiga xasaasiga ah.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.